Farmaajo oo khudbad ka jeedin doona shir maanta ka furmaya Kampala

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Kampala ee Xarunta dalka Ugandha uu ka furmo shir laba maalin qaadan doona oo looga hadlaayo  arrimaha qaxootiga gobolka.

Shirkani ayaa waxaa dhanka Somalia uga qeybgalaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Shirka uu ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo arrimaha qaxootiga, isagoo tusaalooyin usoo qaadan doona kuwa Soomaalida ee ku dhiban dalalka Africa.

Shirkani ayaa waxaa loogu magacdaray Garab Istaagga Qaxootiga, waxaa iska kaashanaya Hay’ada QM iyo dalalka qaxootiga marti geliya.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa sameynta barnaamijo lagu garab istaagayo qaxootiga, iyadoo si gaara looga arrinsanaayo sidii loogu sameyn lahaa deeqo, maal gelin iyo barnaamijyo ay noloshooda ku hormariyaan.

Shirka Qaxootiga ee maanta ka furmaaya magaalada Kampala ayaa waxaa marti ku ah inkabadan 32 Madaxweyne, waxaana wada martigelin doona madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo xogheyaha guud ee qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa lagu uruurin doonaa lacag cadadkeeda lagu sheegay $2 billion oo qaxootiga shaqo abuur loogu sameeyo afarta sano ee soo socota.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com