Farmaajo oo laga sugayo Xamar iyo Imaaraadka oo ballanqaadyo sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo dhammaaday booqashada uu Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ku joogay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdiga ku wehlinaayay booqashada ayaa la filayaa in maanta ay dib ugu soo laabtan dalka, waxaana soo xirmay kulamadii ay la lahaayen Madaxda Imaaraadka.

Madaxweynaha Somalia iyo boqorka Imaaraadka ayaa isku afgartay inta badan qodobadii ay ka wada hadlayeen waxaana la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ballanqaadyo dhowra ka helay boqorka Imaaraadka iyo Madaxda kale ee ku dhow dhow.

Qodobada ay sida gaarka ah uga wadahadleen ayaa waxaa kamid ahaa arrimaha Amaanka, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Khilaafka Khaliijka, waxaana la sheegay in lagu heshiiyay iskaashi dhaqaalo, mid Amni iyo xasilooni siyaasadeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in Imaaraadka uu kala hadlay in laga dul qaado culees siyaasadeed oo ay dowladiisa kala kulmayso Imaaraadka, gaar ahaan arrimo ku saabsan Khilaafkii wadamada Khaliijka.

Docda kale, Dowlada Imaaraadka ayaa Somalia u ballan qaaday taageero dhinac walba ah sida ay sheegen xubno ka mid wafdiga Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com