Farmaajo oo shirka London u heysto jaanis ka fiican middii uu Xasan Sheekh heystay!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Ingiriiska si ay uga qeyb galaan shirka Soomaaliya uga furmi doono Magaalada London.

Shirkaan ayaa furmi doono 11 Bishaan, waxaana looga hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan xaaladaha kala duwan ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga, dhaqaalaha, abaarta iyo dhisidda ciidamo qaran.

Haddaba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa heysto jaanis ka fiican midda uu Xasan Shiikh heystay wajigii koowaad ee shirkii ka dhacay London February 2012.

Shirkaas ayaa waxaa markaas si wadajir ah u furay Ra’isulwasaarihii hore ee ingiriiska David Cameroon iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna kuwsoo aaday xillig xasaasi ahaa.

Markuu shirkaas dhacayey dowladda Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayey Xasan Shiikh Maxamuud iyo Maamul Goboleedyada ma aysan mideysneyn isla markaasna shirka London lama aysan tagin qorsho mideysan, waxaana jiray Madaxda maamul Goboleedyada qaar oo xilligaas dano gaar ah ka fushay halkaas.

Xilligaa Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa saameyn weyn ku lahaa shirkaas, maadaama ay hor boodayeen Madaxweyne Xasan Shiikh oo ahaa madaxweynihii dowladda dhexe.

Balse Farmaajo ayaa hadda la sheegayaa inuu heysto jaanis ka fiican middii Xasan Shiikh Maxamuud maadaama uu Madaxda maamul Goboleedyada ka dhaadhcsiiyey inay mowqif mideysan la tagaan shirka London.

Farmaajo ayaa madax Goboleedka ku wargeliyey inay dowladda dhexe uga dambeeyaan shirkaas, isla markaasna ay noqdaan wafdi uu madaxweynaha hoggaaminayo, wuxuuna arrintaas taageero fiican uga helay dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada.

Arrintaan ayaa laga yaabaa inay Farmaajo u horseedo inuu guul weyn kasoo hooyo shirkaas, inkastoo aysan jirin rajo fiican oo laga qabo inay beesha caalamka shirkaas wax badan ugu qabtaan Soomaaliya, maadaama looga bartay in shirarka laga soo saaro war murtiyeed iyo ballan qaadyo ku eg saxiix iyo qoris.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sanadkaan saameyn weyn ku yeelan doono shirka, haddana madaxda Maamul Goboleedyada ay ka dambeyn doono Farmaajo, taasoo ah guul weyn iyo sida uu qorayo dastuurka dalka iyo federaalismka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET