Farmaajo oo farogeliyay khilaafka wasaaradda arrimaha gudaha ka taagan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladd Soomaaliya kadib markii wasiir Juxa shaqo joojin ku sameeyey Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Wasiirada isku heysta shaqo joojintii lagu sameeyay Xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya oo ka gaabsaday in aan maggaciisa iyo xilkiisa adeegsano ayaa sheegay in loo yeeray afarta mas’uul ay is heysata waxaana la filayaa in ay la hadlaan Madaxweynaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda iyo Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya waxaana laga hadli doonaa xiisada ka dhaxtaagan wasaaradda oo ka dhalatay Shaqo joojintii uu sameeyay wasiir juxa”Sidaas waxaa ii sheegay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya.

Warqado is daba yaala ayaa shalay gilinkii hore iyo gilinkii danbe waxaa soo saaray Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradad Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka dhashay shaqo joojintii lagu sameeyay Yaxye Cali Ibraahim xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ku gacan seyray shaqo joojintii uu wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa ku sameeyey xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Prof. Yaxye.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com