Farmaajo oo ubax dhigay taalada dajirka dahsoon: Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ubax dhigay taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, isagoona halkaasi kula hadlay boqolaal shacab ah.

Farmaajo ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in la kuso, wuxuuna tilmaamay in gobanimadii iyo dadaalkii ay aabayaasheen keeneen in uu mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen, wixii xumaadayna looga fadhiyo in ay saxaan jiilka hadda jooga.“Maanta waa maalintii halganka ay bilaabeen aabayaasheena oo mira dhalay, balse ay gadaal wax ka xumaadeen, dadkeena hada jooga waxaa noo yaala howshii aabaheeydan oo aheyd wax aad u qurxan, gobinimo iyo midnimo, waxaa hada taaganahay kala qeybsanaan, qabyaalad, qaxooti, abaar, xagjirnimo iyo Tahriib, waxaa nagala rabaa inaan soo celino sharafkii umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweynaha.Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahanyahay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka Nabada diidka ah ee doonaya inay kala qaybiyaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan sanadkiisa uu rajaynayo in la gaaro Soomaaliya oo ku jirta Xaalad sidaan ka wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com