Sawirro: Farmaajo oo xafiiskiisa kusoo dhoweeyay wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Somalia, wuxuuna ku bogaadiyay ra’iisul wasaare Kheyre sida xilkasnimada leh ee uu usoo xushay wasiiro laga sugayo tayo iyo waxqabad.

Farmaajo ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo qaar ka mida wasiiradiisa cusub isagoo kula dardaarmay inay si daacad ah howshooda ugu soo banaan, isagoona u sheegay in wasaarad kasta lagula xisaabtamayo waxqabadkeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka federaalka ka codsaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub si ay shaqada looga fadhiyo u guda galaan.