Faroole “Waxgaradka Somalia waxaa lagu leynayaa hab siyaasadeed”

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu ka hadlay dilalka qorsheysan ee ka dhaca dalka Soomaaliya oo ay geestaan kooxaha hubaysan.

Isaga oo ka hadlaye kulan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in dilalka loo geesto dadka indheer garadka ay tahay arin siyaasad ah oo ay ka dambeeyaan kooxo dano gaar ah leh.

Wuxuu sheegay in dadka la laynayo meelaha qaar lagu dilo balse aysan ka dhicin aduunka intiisa kale sida uu sheegay Madaxweyne Faroole.

Hadalkiisa ayuu intaasi wuxuu ku daray in dadka geysanaya falalka dilalka ah ay yihiin kuwa argagaxiso ah oo dalalka shisheeye kusoo tababartay balse aysan aheyn dad Soomaali ah sida uu sheegay.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedada ka dambeysa dilalka loo geesto dadka waxgalka u ah bulshada ay tahay arin ay ka dambeeyaan siyaasad argagixiso.

Kasokoow hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole waxaa deeganada Gobalada dalka Soomaaliya ka dhaca dilal qorsheysan oo ay fuliyaan kooxo hubaysan oo aan la garaneyn.