Faysal Cali Waraabe “Heshiiska Berbera bis ayaad aragtaan, saldhigga Turkiga ee Muqdisho uma jeedaan”

Hargeysa (Caasimada Online) – Si rasmi ah maamulka isku magacaabay Somaliland iyo dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ukala saxiixday heshiis ogolaanaya in imaaraatku ay saldhig melleteri ka dhistaan magaalada Berbera.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Dubai ayuu maamulka ‘Somaliland’ ku saxiixay heshiis dowladda Imaaraatka u ogolaanaya in muddo 25 sanadood ah uu saldhig melleteri uga furnaado magaalada dekadda leh ee Berbera.

Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha Xisbiga UCID  kana mid ah saxiixayaasha Heshiiska ayaa warbaahinta u sheegay in saldhigga melleteri ee Berbera laga furayo uu faa’iido weyn u leeyahay maamulka Hargeysa.

Wuxuu ku faanay in ay gaareen guushii ugu weyneed taariikhda 25 kadib markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale islamarkaana ay raadinayaan aqoonsi caalami ah.

“Heshiiskan Cadowgeena wuxuu ku Noqday Quraanjooy Quuso” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe saacado kadib markii ay dowladda UAE u saxiixeen in ay saldhig melleteri ka dhisato magaalada Berbera.

Maamulka ‘Somaliland’ ayaa si kulul ugu jawaabay dadka mucaaradsan heshiisyada uu lagalay dowladda Imaaraatka carabta wuxuuna maamulku dadkaasi  ku tilmaamay waxma garato aan caqli laheyn iyo xaasidiin doonaya in horumar aysan gaarin dadka ku dhaqan gobollada waqooyi Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Faysal Cali Waraabe ayaa soo hadal qaaday saldhigga melleteri ee dowladda Turkiga ka dhisatay magaalada Muqdisho “dadka meelaha ka qeylinaya waa xaasidiin, saldhigga melleteri ee Turkigu ka furanayo Mudisho ma arkaan oo xasad ayaa indhaha tiray” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waraabe.

Shirkadda DP World ee imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa horay loogu wareejiyay marsada caalamiga magaalada Berbera waxaana muuqata in kaabayaasha dhaqaalaha ee gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya loo gacan geliyay dowlad shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com