Federaalka Somalia wuxuu la dhintay Tigrayga Itoobiya

1998-kii si looga hortago in Soomaaliya ay midowdo xiligaa oo ay ku jirtay marxalad burbur ah, dowladii Itoobiya ee Tigreega hogaaminayay waxey u soo jeedisay urur goboleedka IGAD oo wadamada Geeska Africa ku midoobeen in  lix qabiil maamul goboleed loo kala qeybiyo Soomaalida.

20-sano kadib Ergayga xilka ka sii dagaya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa Golaha Amaanka ka jeediyay hadalkiisii ugu dambeeyay waxaana uu yiri “ kaliya waxaa dhisan maamul goboleedyo Federalka Soomaaliya katirsan, waaxana ugu dambeysay Hirshabelle, laakiin majiro nidaam dhameystiran oo Soomaaliya ka dhisan”

Danaha siyaasiyiinta baahan waa waxa dhibaatada ku haya nidaamka Federalka Soomaaliya, waxey doonayaan iney noqdaan maamulo kamadax banaan dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo dhowr jeer ay xiriirka u jareen, awoodo dheeri ah ayey isa siiyaan sida iney toos ula macaamilaan dunida inteeda kale iyagoo u soo bandhigaya Kheyraadka Soomaaliya kawada dhaxeeya.

“ Soomaaliya waa iney wax ka faa’idaa isbadalla bulsho iyo midka dhaqaale ee ka socda wadamada Geeska Africa, waa xiligii ay Soomaaliya kaalinteeda ka ciyaari laheyd oo doorkeeda ka qaadan laheyd masraxa gobalka iyo kan dunida” sidaasi waxaa Wargeyska The Star u sheegay Mohamed Ahmed Jimale oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waxba kama oga Soomaali badan soo jeedintii Itoobiya ee IGAD oo laga soo abaabulay magaalada Addis Ababa, sidoo kale lama oga khudbadii Xayla Salaasa uu ka jeediyay magaalada Qabri Dahar oo dhacda dowlad deegaanka Soomaalida sanadii 1956-dii  xiligaa waxa uu Xayla Salaasa sheegay in Soomaaliya lagu dari doono Itoobiya, taa oo  Itoobiya u sahleysa iney isticmaasho badda iyo dhulka Soomaaliya.

Nidaamka Federalka ee Soomaaliya laga dhisay waa fikrad katimid Itoobiya ee ma ahan mid ay xal u aragtay Soomaalida, madaxda maamul goboleedyada waxey aad u jecelyihiin iney kulan la qaataan madaxda Kenya , Itoobiya, Amiirada Carbeed ee Imaaradka Carabta / Sacuudiga iyo Ajaanibta kale ee danaha kaleh Soomaaliya.

Midowga Yurub waxa uu amaanay maamul goboleedyada sidoo kale taageero ayuu meel u saaray wuxuuna la kulmiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shirar caalami ah ayaa dhamaantood madaxda Soomaalida la isugu keenay sidaas ay tahayna kama muuqan farxad iyo ka faa’ideysiga fursadaha wanaagsan ee Federalka uu leeyahay, balse waxey noqdeen siyaasiyeen is fiirsada.

Weji Cusub

Shaxda is eedeynta waxey u egtahay mid dhamaan rabta, Dowladda Soomaaliya waa mid awood leh waxaa garab taagan dowlado shisheeye, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre waxey noqdeen madax khiyaali ah, maxaa yeelay waxaa saameyn ku yeeshay isbadalka ka socda geeska Africa oo lama filaan ku noqday.

Dowladda Soomaaliya waxey iska diiday in Khilaafka kala  dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada lagu xaliyo magaalooyinka Addis Ababa ama Nairobi, waxaana fariin cad ay ku noqotay koox walba oo dano gaar ah ka laheyd u kala gar qaadida Soomaalida.

Ugu yaraan ololaha loogu talagay in Soomaaliya lagu burburiyo ee ku dhisan qabiil qaatay Federalka wuxuu u egyahay mid sii lumaya, waxaana maamul goboleedyada Soomaaliya ay lumiyeen quruxdii ay lahaayeen iyagoo cadow u arkay dowladda Federalka Soomaaliya.

Soomaaliya mar walba nasiib ayeey leedahay oo waxaa ku dhirirsan xeebta ugu dheer Africa dhul qani ahna wey ku fadhisa, waxaana Dowladda Soomaaliya ay heshay fursad ay kaalin weyn kaga qeyb qaadato heshiisiinta Eritrea iyo Djibouti.

Itoobiya iyo  Kenya majecla in Soomaaliya midowdo oo xoog yeelato, laakiin waxba uma dhimi karaan hadii Soomaalida dhexdeeda isku tashato.

Itoobiya waxey soo dhameysatay Somaliland oo xeriir dibloomaasi u ogolaatay sanadii 1991-kii, waxaana ay ka caawisaa qalabka iyo tababarada Militery ee maamulka Hargeysa, waxaana marwalba Itoobiya ay raadisaa sidii Muqdisho iyo Hargeysa ay u kala noqon lahaayeen labo dowlad oo kala madax banaan, iyadoo wali Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah.

Jimcaale oo ah gudoomiyaha jaamacadda Umadda ayaa markale yiri “ khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada ma dhamaanayo ilaa laga dhameystiro dib u eegista dastuurka oo qeexaya awoodaha”

Jimcaale ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mustaqbalka Dalka waxaana uu sheegay in  Soomaaliya laga dhiganayo mashruuc aan dhamaan oo shisheeyaha wataan, sidoo kale wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa mar yiri “ Soomaaliya waa mashruuc”

“ Ma rabo inaan dhaleeceeyo awoodaha shisheeye maxaa yeelay anaga ayaa ogolaanay in aan noqono mashuur aan dhamaan, ilaa laga helo madax dhab ah Soomaaliya dhibkaan kama baxeyso” Jimcaale ayaa hadalkan yiri.

Masiibada xalka la mooday

Nidaamka Federalka ee Soomaaliya wuxuu ku noqday caqabad waana dowladii ugu dambeesay ee qaadata nidaamkan iyadoo dadkeedu ay hal yihiin, ma jirin baahi loo qabay in la dhiso Federal.

Federalismka waxaa loogu talagalay in uu isbadal wanaagsan ku soo kordhiyo siyaasaddam dhaqaalaha iyo dhibaatada amniga ee dalka ka jirta, dhamaantood meesha ayey ka baxeen oo mid walba xal gooni ah buu rabaa, waa dhib cusub oo Soomaalida loo abuuray.

Soomaalida uma aysan codeyn Federalism-ka, xitaa kuma aysan iman dalab ka yimid dowladii xiligaa jirtay, waa natiijo ka dhalatay danaha Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Aqoonyaho badan oo Soomaaliyeed ayaa su’aal ka keeniyay nidaamkan waxaana ay sheegeen in uu shaqo kaga u abuurayo kumanaan qofood dal dhaqaalihiisu ay ka yimaadaan deeq bixiyaal caalami ah.

Danjire Micheal Keating hadaladiisii ugu dambeeyay waxaa kamid ahaa “ Soomaalida iyaga ayaa xalisan kara dhibkooda”

Hogaamiyihii hore ee Itoobiya Mangeste Xayle Maryam waxa uu Soomaaliya u arkaa cadowga kaliya ee wadankiisu leeyahay,.

“Soomaaliya waxey u sii kala qeyb sami doontaa lix maamul goboleed oo ka sii faracma shanta maamul ee hadda jirta, wada shaqeynta dowladda Federalka wey soo afjarmi doontaa ilaa inta ay ka heshiineyso Soomaalida” sidaas ayaa lagu yiri maqaal lagu daabacay wargeyska the Star.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: The Star