Feysal Cali Waraabe oo fashiliyay qorshaha xildhibaanada Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Maamulka Somailand, Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay talaabooyinka Xildhibaanada baarlamaanka ee isku uruursanaaya magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Feysal Waraabe, ayaa sheegay inuu horay ula sii socday in Xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu soo laaban doonaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ay doorteen.

Waxa uu Feysal Waraabe sheegay in dhammaan Xildhibaanada Soomaalida ay yihiin kuwo dheef u raadsaday kamid noqoshada baarlamaanka waxa uuna cadeeyay in Xildhibaan waliba uu doonaayo inuu ka hantiyo xubinimadiisa baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dowlad hadda u dhisantay Somalia hadana laga soo horjeesto iyadoo aan gaarin xiligii ay waxqaban laheyd.

”Soomaalida wey isku mashquulsan tahay talaabada Xildhibaanada ku sugan Nairobi waan filaayay waayo waxaa ii muuqatay in dowlada qudheeda aan lagu dhisin raali ahaanshiyaha Umada Soomaaliyeed”

”Baarlamaanka Somalia waxaa ku weyn qabyaalada iyo is naceynka Xildhibaan ay beeshiisa soo dooratay awood uma laha inuu hagaajiyo dowladii ay dhisatay Soomaalida waxaan oran lahaa yaan la kala dirin dowladii aad dhisateen dharaar cad”

”Dowlad isku mashquulsan Somaliland kama fileyso inay ku darsoonto, waxaan mar kale leeyahay Xildhibaanada ha toosiyaan dhaqankooda”

Feysal Waraabe, ayaa sheegay in Somalia aysan gaari doonin horumar inta ay jiraan Xildhibaano lagu soo doortay Musuq iyo nin jecleysi waxa uuna ku taliyay inaan Caalamka la tusin dhaliisha ka dhex jirta Madaxda iyo Xildhibaanada.

”Dhaliisha ceynkaani ah waxa ay Beesha Caalamka u tahay macluumaad waxa ay ogaanayaan waxa ay Somaliland ku diideyso inay ku biirto Somalia, waxaan oran lahaa ceebtiina qarsada oo ha tusina adduunka”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Xildhibaan waliba uu doonaayo inuu ka dhex muuqdo Xukuumada, waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid dano gaara laga leeyahay aasaaska is baheysiga cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Feysal Waraabe ayaa ku baaqay in fursado lasiiyo dowlada Somalia si buu yiri loogu helo qodobo cadcad oo lagu mucaaradi karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com