Fiqi oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha uga digay inay Galmudug ka sameyso marqaati-beenaalanimadii Hirshabeelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U heshiisiinta ay marqaati beenaanim ka sameysay Hirshabelle isla markaasna aan laga yeeli doonin inay midaas camal ka sameyso Galmudug.

Wuxuu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha looga baahan yahay inay waajibaadkeyda gudato halkii ay marka dambe marqaati beenaad ka noqon laheyd khilaafka ka jiro Maamulka Galmudug sidii ay ku sameysay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Fiqi uu soo dhigay Bartiisa Facebook: 

Cadaadiska & faragalinta lagu hayo Galmudug haddii ay sii socoto waxey saameyn ku yeelan doontaa jiritaanka & midnimada reer Galmudug, waxaana mas’uuliyadeeda dusha u ridan doona cidda qaskaas abaabulaysa iyo kuwa maalgalinaya.

Waxaa jira shakhsiyaad xafiisyada sare ee madaxda dawladda dhexe ka tirsan in ay abaabulkaas iyo inqilaabkaas ay gar-wadeen ka yihiin, waxaan mar kale ku baaqaynaa in maamulkaas oo dhismihiisa dhib badan laga soo maray aan sabab loo noqon dumintiisa iyo gaarsiinta meel aan laga soo celin karin, dhibka iyo khilaafka jirana wadahadal iyo a=isfagarad lagu xaliyo, anigoo og in dhinacyada oo dhami ay diyaar u yihiin.

Reer Galmudug waxaan ugu baaqayaa in aysan qeyb ka noqon burburinta maamulkooda ayagoo fulinaya ajandayaal dibadda Galmudug laga soo abaabulay, kana turjumaya dano gaar ah.

Dawladda Federaalka ah gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha waxaan u soo jeedinayaa in haddii ay mas’uuliyad dareemayaan ay ku baxaan xalinta khilaafka Galmudug ka soo ifbaxay, haddii sidaas ay dhici weydo ma socon doonto marqaati-beenaalanimadii ay ka sameeyeen Hirshabeelle oo kale.