Fiqi “Sharciga Saxaafadda wuxuu u eg yahay sharcigii xilligii Militariga dalka haystay”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa si wayn u dhaliilay Sharciga Saxaafadda Somaliya oo qodobo ka mid ah wax ka bedel lagu sameeyay, shalayna Wasiirka Warfaafinta uu horgeeyay Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ka hadlay sharcigan ayaa sheegay in Caalamka uu xilligan ka maamrmay Wasaaradadihii Warfaafinta, isagoo xusay in qodobada qaar ee sharciga saxaafada ay ku jiraan kuwo wax badan mamnuucayo.

Fiqi wuxuu sheegay sharciga Saxaafadda inuu yahay kii xilligii Militariga dalka haystay lagu maamulaayay Saxaafadda, balse sidaasi aanan loo baahneyn.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka Xildhibaan Fiqi kasoo yeeray:

“Dadka intey codka gabsadaan oo sariiraha hoostooda iyo qolalka gudaha ku dhageysan jireen ayaa dadka isaga soo dhaceysa, waqtigaas ayaa isaga soo dhacaya markii saxaafadda la sheego , dowladdeena waxay u fikireysaa sidaas oo kale, xildhibaannada ama muwaadiniinta kale qaarkood waxay u fekerayaan in xilligaas la joogo oo kale, laakiin adduunku xilligasi wuu ka gudbay, waxaa la jooga hadda xilli laga maarmay Wasaaradda warfaafinta, caalamka hadda aan ku noolnahay dowladaha dimuqraadiga ah ee casriga ah Wasaaradaha warfaafin oo dhan maleh, waxaa loo daayay saxaafadda xorta ah, xittaa talefeshinno oo dowladeed oo Qaran inta badan ma jiraan, sharcigan markan dib u qooraansaday oo fiiriyay wuxuu u egyahay sharcigii xilligii Milatariga dalka maamulayey, mid kulligiis mamnuucyo ah, wax la mamnuucayey, ruqsad la diidayo, shati lala noqnayo iyo ciqaab melaha qaarkood ku xusan, wasaaradda warfaafinta oo awoodii oo dhanq qaadatay.” Ayuu yiri xildhibaanka.