Sanada dhowr ah ka hor ayay ahayd markii caalim ku takhasusay culuumta casriga iyo sayniska una dhashay dalka Kanada uu sheegey in maskaxda bini aadamku ay dhowr qeybood u qeybsanta, iyadoo dhowr jiha kala taal. Qeyb weliba waxay qaabilsantahay howl gaar ah ayuu caalimkaasi sheegey, isagoo qeybta ku taal dhanka hore ee wejiga dushiisa (naasiyah) foodda ku tilmaamay inay tahay qeybta qaabilsan beenta iyo gafafka. Sidoo kale wuxuu sheegey inay tahay qeybtan qeybta gaadha ama qaadata go’aannada, iyadoo uu kusheegey inay tahay midda hoggaamisa qofka bini aadamka ah.
Qeybtaasi ayaa ku beeggan halka loo yaqaan maskaxda VMPC ama ventral medial prefrontal cortex, waana qeybta hore ee maskaxda ee afka Carabiga loo yaqaan ”Naasiyah”, soomaaliguna lagu yiraahda ”Foodda”.
Daraasad kale oo taa kadib sanadkii 2007 lagu sameeyay jaamacadda University of Penssylvania ayaa lagu sheegey in dadka dembiyada gala ama ficillada xun xun sameeya in wejigooda jabhadda (foodda) aanay lamid ahayn foodda dadka kale, waxayna sheegeen in laga dheehan kara fooddiisa inuu qofkaasi yahay dembiile. Culimada sidaa tiri waxaa kamid ahaa Dr KnightRobbert, oo kamid ahaa raggii daraasaddaasi ka qeyb qaatay.
Quraanka Kariimka ah ee qiimaha badan ee Ilaahay inagu sharfay, ayaa innaga (kulanka Muslimiinta) inoo sheegay cilmigaasi 1400 sano kahor, markuu Ilaahay inoo sheegey in fooddu tahay beenley, sidoo kale ay tahay halka laqaban doono dembiilayaasha.
Waa kan Ilaahay oo inoo caddeynaya 1400 sano kahor in fooddu ay tahay halka laqaban doona dembiilayaasha maadaama ay tahay tii ku xambaartay dembiga, Alle sarreeye wuxuu yiri
(يُعْرَفُ الْمُجْرِمُونَ بِسِيمَاهُمْ فَيُؤْخَذُ بِالنَّوَاصِي وَالْأَقْدَامِ)
Haddii aad fiirisa ducadani waa duca caan ah, Nebiguna (NNKH) wuxuu yiri ”Qofkii hammi iyo walwal uu daboolo oo aqriya Alle wuu ka qaadaa hammigaasi”. Ibn Xibbaan ayaa kusoo weriyey kitaabka Ar- Raqaaeq, Axmedna wuxuu kasoo weriyey Ibnu Mascuud. Markaad aqrisa ducadan waxaad ka dhex heleysaa oraahda ah ”Naasiyatii biyaddek”, taasoo lamacna ah ”Fooddeydu waxay ku jirtaa awooddaada” Haddii aynu soo xusnay in fooddu ay culimada casriga ahi ku sheegeen mid go’aannada gaadha, muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u oran jirey ”Fooddeydu Ilaahayoow!! waxay ku jirtaa awooddaada”? Dabcan macnuhu waxaa weeye taladeyda iyo go’aannadeyda oo idil adiga ayaa ka masuul ah oo aan amarradaada kusocdaa, haddii aan go’aan qaadanayana waa mid aad adigu ka raalli tahay. Xaqiiqadani waxay ina xasuusinaysaa gallada Eebbe inoo galay iyo inuu naga mudan yahay mahad dhammaanteed, oo aynu xaggiisa u laabanno. Fadliga Islaannimada ee uu ina siiyey waa mid aan dheernahay umadaha koonka ee aanan Islaamka ahayn. Waxay tani ina xasuusineysaa markale inaan kuduceysanna mar waliba oo aan ku cel celinna qowlka Alle kor ahaaye ee ah
”(إِنِّي تَوَكَّلْتُ عَلَى اللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمْ مَا مِنْ دَابَّةٍ إِلَّا هُوَ آَخِذٌ بِنَاصِيَتِهَا إِنَّ رَبِّي عَلَى صِرَاطٍ مُسْتَقِيمٍ)
Email: mohamed1@live.fi
_____________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.