Furriinka:- “Saddex Dalqo” oo hal mar ah ma waxay la mid tahay “HAL”?

Waxaan rabaaa inaan si faah san uga hadlo furiinka saddexda dalqo ee marka nin ragga ah uu xaaskiisa furay hal amr uu ku dhowaaqaya, haddana uu ku andacoonayo in kaliya ay hal dalqo dhaceyso.

هل الطلاق الثلاث بلفط واحد يقع ثلاث او واحدا

قذهب جمهور الصحابة والتابعين وائمة المذاهب الاربع الي انه يقع ثلاثا 

Waxay qabaan saxaabada Jamhuurtooda iyo taabiciinta iyo afarta mad-haboodba in ruuxii sadex dalqo halmar ku dhawaaqo in ay sadexdaba dhacayaan, waxayna daliishadeen:-

ما روي ان رحلا جاء الي ابن عباس فقال له انه طلق امرأته ثلاثا قال مجاهد فسكت ابن عباس حتي ظننت انه رادها اليه ثم قال يطلق احدكم فيركب الحموفة ثم يقول يابن عباس وان الله تعالي يقول ومن يتق الله يجعل له مخرجا ، وانك لم تتق الله فلم اجد لك مخرجا عصيت ربك وبانت منك امرأتك 

Xadiiskaan,  waxaa laga wariyay Cabdullahi Ibnu Cabaas, wuxuuna macnihiisu yahay sida:- (Nin ayaa u yimid Ibnu Cabaas, wuxuna ku yiri “naagtayda ayaan sadex ku furay”, Inbu Cabaas waa ka aamusay,  Mujaahid wuxu yiri ‘waxaan u maleyay inuu u celin rabo naagtisa isaga, markaasuu Ibnu Cabaas yiri ‘Axadkin wuu furay markaasu leeyahay Ibnu Cabaas, Ibnu Cabaasow, Allaahna wuxuu lee yahay ‘ruuxii Allaah ka cabsada wuxuu u yeelaa makaanu bixid’, adigane Allaah kama baqin, ma kuu helaayo meel aad ka baxdo, rabbi ayaad ku caasisay, naagtadane way kaa baa’inowday, macnaha dalqoyinka waad iska dhameysay, riwaayo kale oo Ibnu Cabaas, waxay lee dahay:- 

ان السائل قال له اني طلفت زوجتي مائة بطليقة فقال له اما ثلاث فقد حرمت عليك زوجتك واما سبع وتسعون فقد اتخذت بها آيات الله هزؤا

 Oo macnaheedu yahay”

(Nin su’aalaaya, ayaa Ibnu Cabaas ku yiri “Aniga nagteyda ayaan ku furay boqol dalqadood” Ibnu Cabaas ayaa ku yiri ‘Sadddex nagtaada ayaa kaaga baantay 97-ka kalena aayadaha Allaah ayaa uga sameysatay jees jees’, Xaddiisan ninkii doon wuxuu ka baari karaa kutubta

احكام القرآن للجصاص, تفسير اآيات الاحكام للصابون. 

Culimada islaamka,  waxay kale oo dalishadaan Ijmaaci saxaabada markii uu Cumar Ibnu Khadaab arkay dadki iinay fududaysteen furitaanki, wuxuu amar ku bixiyay in ruuxii saddex dalqo hal mar ku furaa xaaskiisa inuusan dib ugu noqon karin, saxabaadi oo dhanna  way ku raaceen, mid ka horyimidne ma jiro, sidaas ayay waxay ku noqotay اجماع الصحابه, xittaa afarta madhab way ku wafaqsan yihiin, waaxa kaliya oo qilaafkeenay Ibu Tiimiya, waxana la yiraahdaa mas’aladaha uu ku qaldamay Ibu Timiya waxay gaarayaan dhawr iyo toban mas’alo.

Sidaa darteed waxaan daka muslimka ah ugu baaqeynaa inay raacaan dariiqi saxaabada, waxana la ogaaday in haddi saddex dalqo lagu furo oo leysku celsho inayna mardambe isqilaafaynin oo shaydaanku uu rabo Zino joogto ah, marki horane asaga isku diraayay marki ay dalqadi dhamaatayna wuxuu rabaa in ay xaaraan iskula joogaan ee halaga digtoonado wixiu su’aal ahna waa la isoo weydiin karaa, adinka oo igu soo diraya cinwaanka webka Caasimada ee caasimada@live.com,

Ibu Timiya wuxuu daliishadaa Axaadistaan:-

 عن ابن عباس انه قال كان الطلاق علي عهد رسول الله ص.ع.س وابي بكر وسنتين من خلافة عمر طلاق الثلاث واحدة

Xadiskaan wuxuu lee yahay:-

“Dalaaqa waqtiga Nebiga NNKH iyo waqtigii Abubakar iyo 2 sano Cumar Waqtigisa ah, dalaaqa saddexda, waxaa la xisaabay hal”, Xadirkaan waxa looga jawaaba oo ay culimadi yiraahdeen:-

 قال ابن عبد البر رواية طاؤس وهم وغلط لم يعرج احد هن فقهاء الامصار بالحجاز وشام والعراق والمشرق والمغرب

Ibnu Cabdul Bar, wuxuu yiri riwaayada Daa’uus waa wahmi iyo qalad lama hayo mid fuqahada magaaloyinka Xijaas iyo Shaam iyo Ciraaq iyo Mashriq iyo maqrib nin ku raacay Daa’uus.

Alaah ayaa og

W/D: Sheikh Cali Maxamed Nuur