Fursad ma siin lahayd xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir?

0

Intii aanu Siyaasadda ku soo biirin wuxuu ahaa aqoonyahan, samafale iyo xubin firfircoon oo ka mida bulshada rayidka ah, wuxuu la soo shaqeeyay hay’adaha samafalka, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaasha Mac-hadkii SIMAD ee noqday Jaamacadda SIMAD.

Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu sanadkii 2012 qaaday tijaabo guuleysatay oo Aqoonyahanadda dalka ay uga qeyb galeen markii ugu horeysay talada dalka oo 20 sano u xirneyd hogaamiye kooxeedyo, waana halkaas meesha kaalintiisa siyaasadda ay ka soo shaac baxday.

Xilka Madaxweyne ee uu ku guuleystay saaxiibkii ay isku xibsiga ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud, waxay ahay bilowgiisii siyasadeed. Intii uu siyaasadda ku jiray wuxuu Faarax Sheekh C/qaadir kasbaday taageerayaal iyo mucaarad is barbar socda, wuxuuna noqday shaqsiga koowaad ee lagu jeediyay indhaha dadka iyadoo lagu eedeynayo arrimo ay ka mid yihiin:

– Ninka qarsoon ee taladu ka go’do.

– Wasiir ka sareeya dowladda oo dhan.

– Inuu halis ku yahay beelaha waaweyn.

– Inuu Itoobiyaan yahay, una shaqeeyo Amxaarada

– Iyo eedo kale oo fara badan.

Dadka sida weyn u eedeeya ama dacaayadaha ka fidiya Xildhibaan Faarax waxay u badan yihiin dad cabsi ka qaba isbedel ka dhaca dalka, siyaasiyiinta beelaha waaweyn ee ku soo baxay dagaaladii sokeeye iyo shaqsiyaad dano dhaqaale ku raadiya qaabkaas.

Xilalkii uu ka qabtay dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh waxay u kala horeeyeen sida soo socota:

1 – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

2 – Wasiiru dowlaha Madaxtooyada

3 – Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Dastuurka

4 – Wasiirka xanaanada xoolaha (Xilkan oo aanu ku shaqeyn)

Dadka taageersan Faarax Sheekh C/qaadir waxaa u cad waxqabadakiisa waxayna ku doodayaan:

– Inuu yahay shaqsi wax u qabtay bulshada oo lagu yaqaanay howlaha samafalka iyo adeegyada Bulshada

– Inuu hormuud ka ahaa heshiiskii dhex maray dowladda Federaalka iyo maamulkii Axmed Madoobe oo ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ka hor timid dowladii Federaalka

– Inuu Dib u dhis ku sameeyay wasaaradda Cadaaladda, isla markaana ka soo shaqeeyay dhismaha hay’adaha garsoorka dalka.

– In dowladii uu ka midka ahaa ay baabi’isay nidaamkii awood qeybsiga golaha wasiirada ee ku dhisnaa 4.5-ka. Markii ugu horeysayna la dhisay dowlad ay tiro isla eg u dhan yihiin beelaha Soomaalida oo dhan

– In Soomaali badan ay caddow ku yihiin shaqsiyaadka guuleysta ee kartida waxqabad leh, halkii ay ka taageeri lahaayeen.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda u sharxan xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka wuxuu xaq u leeyahay in xildhibaanada Baarlamaanka ay siiyaan fursad uu uga mid noqdo guddoonka Golaha Shacabka arrimaha soo socda awgood:

– Waa aqoonyahan uu dhiggiisa ku yar yahay xildhibaanada Baarlamaanka gudahooda.

– Waa howlkar aan looga maarmin geedi socodka Dastuurka dalka iyo xilliga kala guurka ah ee dowladnimada Soomaalida ay mareyso.

– Waa dhiig cusub oo kacaan waxqabad gelin kara Guddoonada Baarlamaanka Soomaaliya oo looga bartay caajiska iyo fadhiidnimada.

Ugu danbeyn Baarlamaanka cusub ee 10-aad shaki ma laha inuu u baahan yahay guddoon uu ka dhex muuqdo Faarax Sheekh C/qaadir oo xaqiijin kara isbedel, lehna aqoon iyo karti shaqo oo ay Soomaaliya uga gudbin karaan marxaladan adag.

W/Q: Maxamed Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com