Gaalkacyo: Qaar ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Puntland iyo Galmudug oo fulay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegay in qaar kamid ah qodobadii heshiiska Galmudug iyo Puntland ay fuleen.

Ku xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Waxa uu sheegay in shirarkii Gaalkacyo uga soconayay maamullada Puntland iyo Galmudug ay yihiin kuwa meel hagaagsan maraya oo Labada dhinac ay si weyn isugu soo dhowaanayaan.

Waxa uu tilmaamay in laga heshiiyay arrinta dhul daaqsiinka oo markii hore reer guuraaga labada maamul isku diidanayeen.

“Qaarkood qodobadii si wanaagsan ayeey u fuleen sida qodobkii ku saabsanaa dhuldaaqsinka, insha Allah, kuwa harayna waa ay fuli doonaan, si wanaagsan ayaana la isku fahmayaa” ayuu yiri ku xigeenka duqa Gaalkacyo.

Puntland iyo Galmudug, heshiis ay ku gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa ka kooban dhowr qodob oo dhanka ammaanka u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com