Gaari looga shakiyay walxa Qarxa oo lagu arkay Maka Almukarama

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta saacado kooban xiray wadada Maka Almukarama oo loo diiday iney gaadiidka iyo dadweynaha adeegsadaan ka dib markii gaari looga shakiyay walxaha qarxa la soo dhigay wadada.

Gaari nuuca raaxada oo la soo dhigay afaafka hore ee xarunta Dahabshiil ay ku leedahay Wadada Trepiano gaar ahaan Maka Almukarama ayay Ciidamadu ka shakiyeen waxay gaadiidka Ciidamada Booliska ku jraan isgoyska shaqaalaha ilaa iyo Isgoyska Taleex halkaasi oo dadka iyo gaadiidka mudo kooban loo diiday.

Balse baaritaan ay gaariga ku sameeyeen Ciidamada ayaa lagu ogaaday inuusan wax qarax ku jirin,islamarkaana uu leeyahay muwaadin ka adeegnayay shirkadda Dahabshiil.

Waxaana ciidamada Booliska kaxeeyeen ninka gaariga lahaa iyo gaariga laga shakiyay oo lala aaday xarunta Visha Taraafiko.

Marar badan ayaa wadada maka Almurama la soo dhigay gaadiid laga shakiyay kuwaasi oo markii danbe la ogaaday ineysan wax dhib ah wadin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com