Gaas oo lagu wareeray: Ma wuxuu taageerayaa Xasan Sheekh mise?

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’, kaas oo soo kaga qayb galayey shirkii madasha.

Intuu Muqdisho joogay wuxuu qabanqaabiyey kulan dhexmaray madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Xasan Shiikh Maxamuud iyo xildhibaanadii laga soo doortay Puntland, kulankaas oo uu Xasan ku codsaday inay codkooda siiyaan xildhibannada reer Puntland maalinta Doorashada, isagoo bixiyey ballan-qaadyo culus.

Markuu hadalkiisa dhammeystay waxaa hadalka qaatay Cabdiweli Gaas oo isna ka codsadey xildhibaannada Puntland iyo kuwa aqalka sareba inay codadkooda siiyaan Xasan Shiikh.

Xildhibaannadii kulankaasi goobjoogga ka ahaa oo codsaday inaan magacyadooda la xusin ayaa sheegay inay aad ula yaabeen hadalka Gaas oo u muuqday inuu qeyb ka yahay olalaha Xasan Shiikh.

Waxaa la yaab noqotay in kaddib markii uu ku laabtay toddobaadkaan magaalada Boosaaso Cabdiweli Gaas wuxuu la hadley idaacadaha Puntland isagoo sheegay in xildhibannada Soomaaliyeed aysan codkooda ku iibsan lacag.

Xildhibaan si fiican u yaqaan Gaas, kana soo mid ahaa xukuumadiisii haddana ku sugan Muqdisho ayaa noo sheegay in taageerida Gaas ee Xasan Shiikh ay salka ku heyso arrimo dhaqaale oo uu ka helo madaxtooyada bil walba.

Gaas ayaa sida la sheegay lagu qanciyey in haddii uu Xasan Sheekh ku guuleysto doorashada 2017 loo magacaabi doono Ra’iisal Wasaare, ama uu keensan doono qof, arinkaasi oo Ethiopia ka balanqaadey kulamana ay ku wada yeesheen Xasan, Gaas iyo Gabre magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa sidaas awgeed ka soo horjeeda inay doorashada ku soo baxaan Cali Xaaji Warsame, Farmaajo, Cumar Cabdirashiid iyo Shiikh Shariif maadaama uu u arko niman kaga miisan culus siyaasadda gudaha iyo dadka Soomaaliyeed.

Haddaba la yaab ma ahan ayuu yiri xildhibanka noo waramay in hadallada iska soo horjeeda ee Cabdiweli Gaas uu kaga hadlayo magaalada Muqdisho iyo magaalada Bosaaso.

Dib u xusuusin hore ayaa ahayd markii uu Kismaayo ku saxiixay qaadashada 4.5, haddana markii uu Puntland tagey iyo booqashadiisii Minneapolis wuxuu dadka u akhriyey inuusan aqbaleynin qaadashada 4.5, kaddib labo maamood markii uu Muqdisho yimid wuxuu saxiixay wuxuu diidayey maalin ka hor oo aan ognahey inuu hore u sii saxiixay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com