Gaas oo sabab yaab leh u yeelay sababta uu uga soo horjeestay dalka Qadar?

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo safar shaqo ku jooga magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaaday in howlaha maamulkiisa aysan kala tashan doonin dowlada Federaalka ah ee Somalia.

C/weli Gaas, ayaa sheegay in Puntland aysan ka waaban doonin is garabtaaga xulafa Sacuudiga, waxa uuna mar kale cadeeyay inay kasoo horjeedan dowlada Qadar.

C/weli Gaas, waxa uu intaa raaciyay in asbuucyadii tagay ay la aamusnaayen ka fiirsashada go’aanka ay ku taageerayaan xulafada balse ay iminka garwaaqsadeen inay taageeran Sacuudiga iyo xulafadiisa.

Waxa uu C/weli Gaas intaa kusii daray inaysan ka laaban doonin qorshaha ay ku taageeren xulafada, waxa uuna arrin fool-xun ku sheegay in dowlada Federaalka aysan weli go’aan ka qaadan xiisada dowladaha khaliijka.

”Puntland wey ku adkaatay in muddo intaa kasii badan ay kusii feelnaato dowlada Federaalka, waxaan qirayaa inaan laga laaban doonin go’aanka aan ku taageernay xulafada Sacuudiga”

”Faa’iidooyinka aan ku qabno Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaan filayaa inaanu ku heysan dowlada iyo dowlado kale, waxaan ku khasbanaanay inaan ku biirno xulafada Sacuudiga”

C/weli Gaas, oo dhawaan soo saaray warqad uu ku cadeynaayo is garabtaagooda xulafada ayaa u muuqda mid maslaxad gaara ku heysta ku biiritaankiisa xulafada, balse uusan aheyn mid matalaaya shacabka Puntland.

Dhinaca kale, dowladaha Somalia iyo Qadar ayaan waxba u arak go’aanka ay Puntland ku taageertay xulafada Sacuudiga, maadaama ay Puntland tahay maamul Goboleed.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com