Ganacsato ku baaqday in la dhiso rugta ganacsiga lana joojiyo canshuurta la siiyo ganacsato kale

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Ganacsiga in si deg deg ah loo dhiso Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka iyo tan gobolka Banaadir.

Waxa ay sidoo kale Ganacsatan ugu baaqeen Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya in ay joojiso lacagaha canshuuraha ay ka qaado ganacsatada ayna dib u siiso ganacsato kale ,taa ay ku tilmaameen  ganacsatada mid sharci daro ah.

Waxaa Lifaaqa Hoose ka Akhrisan doontaan Warqado ay ka muuqdaan Magacyada iyo Saxiixyada Shirkadaha ka codsaday dowlada in la dhiso Rugta Ganacsiga sidoo kale la joojyo Canshuura lasiiyo ganacsato kale, waxaa sidoo kale akhrisan kartaan Warqad Hanti Dhowrihii hore Qaranka ku joojiyay lacagaha sida qaldan loo siiyo ganacsato kale.

Halkan ka Ahhriso Qoraal kasoo baxay Ganacsatada Soomaaliyeed