Generaal Cirfiid iyo Indhe Cadde oo gaaray goobihii saakay Muqdisho looga dagaalamay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Generaal Axmed Jimcaale Cirfiid iyo Guddoomiyaha Gudiga dib u soo celinta Hantida Ciidanka Qaranka Generaal Sheikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde ayaa gaaray goobihii saakay ay ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Haanta dheer.

Saraakiisha ayaa la sheegay in ay xiligaan kulamo la leeyihiin Taliyaasha Ciidanka ee Halkaasi ku sugan iyo qaar ka mid ah odayaasha deegaanka, kulanka ayaa ku saabsan dagaalkii saakay halkaasi ka dhacay.

Ciidamadii dagaalamay ayaa la kala qaaday waxaana la sheegay in ay xaaladda aad u dagan tahay, qaar ka mid ah Shacabkii ka barakacay saakay ayaa bilaabay in ay dib u soo laabtaan.

Labada Taliye ee gaaray deegaanka Haanta dheer ayaa looga fadhiyaa iney Warbixin buuxda ka keenaan dagaalka iyo waxaa sababay warbaahintana u soo bandhigaan.