Go’aan: Beesha Galmaax Yonis ee Wacbuudhan Abgaal oo kalsoonida kala noqotay XASAN SH.!

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 30/11/2015 waxaa guriga Malaaq Cali Malaaq  Maxamed Malaaq Wehliye, Malaaqa Xamar iyo Xamar daye isugu yimid qeybaha kala duwan ee bulsahada Beelweynta Galmaax Yonis sida Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Culuma’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada, dood dheer iyo wada tashi ka dib waxa ay soo saareen war saxaafadeedka hoos ku qoran.

Iyadoo la tixraacaayo xaaladda cakiran ee uu dalka ku sugan yahay iyo mudada uu xilka madaxtinimo ee Dalka uu ku haayay  Md. Xasan Shiikh Maxamuud, MDFS, waxaa la wada ogsoonyahay in hanaanka awood qaybsiga dalka uu ku salaysanyahay hab beeleedka -4.5, sidaa awgeed, sadaxdii sano ee uu xilka haayay Md Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu duudsiyay Beelweynta Galmaax Yoownis Xilal siyaasadeed ee sar sare kuwaasoo uusan u marin hanaan ku salaysan awood qeebsiga dalka isagoo aan Beesha xilakaasi ugu badalin haba yaraatee wax xilal ah . Taa badalkeedana uu si toos ah iyo si dadbanba  u siiayay xilalkaasi beeshiisa gaar ahaan jufada uu ka soo jeedo iyo koox diimeedka Damu-Jadiid.

galmax.

Xilalkaas la duudsiiyay beesha ayaa kala ah;

  1. Safiirkii Dowladda Federaalka u fadhiyay Dalka Talyaaniga, ahaana wakiilkii u qaabilsanaa Midowga Yurub , EX-Prime minister: Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
  2. Safiirikii Dalka Kenya, Ambasador Maxamed Cali Ameeriko
  3. Qunsulkii Dalka Turkiga, Md Maxamuud Xuseen Maxamed
  4. Guddomiyahii G/Banaadir, Ahaana Duqii Magaalada Muqdisho: General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)

Sidaas darted, waxa ay beelweynta Galmaax Yoonis Qaybaheeda kala duwan halkaan ka cadeeynayaan si buuxdana u go’aansadeen qodobada soo socda

  1. Beesha waxa ay cambaaraynaysaa, kalsoonidiina kala noqotay Md. Xasan Shiikh Maxmauud, una aqoonsanayn Maanta laga bilaabo Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed maadaama uu hoggaankiisa uu ku koobay jufadiisa iyo koox diimeedka Dam-Jadiid kuna salaysanyahay Musuq iyo nin jeclaysi aan bad-baado u ehayn umadda Soomaaliyeed, kuna fashilmay guud ahaan hogaaminta Dalka.
  1. Waxa ay beesha Cod dheer halkaan kaga cadeeynaysaa in shirkii ka dhacay Muqdisho ee lagu sheegay habka doorashooyinka 2016 ee Dalka, aanan beesha lagu matalin wax wada tashi ahna aan laga gelin, dadkii lagu sheegay in Shabeelaha dhexe iyo Xamar laga keenayna ay ahaayeen shaqsiyaad laga soo aruurshay xeryooyinka qaxootiga iyo xubno lagu badiyay fadhiga kuraasta oo ka mid ah Koox diimeedka Damu-Jadiid.
  2. Maadaama ay beeshu degto deegaanada ugu balaaran ee Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir, waxaan halkaan ka cadaynaynaa in Mowqif ahaan beeshu ay qabto in hanaanka awood qaybsi ee 2016 ka lagu saleeyo habka DEGMO iyadoo la tixraacayo degmooyinkii jiray 1991 ka hor taasoo noqonayso mid ku dhisan cadaalad iyo muran la’aan.
  3. Waxaan ka soo horjeednaa cod xoog lehna ku diideeynaa nidaamka uu Macallin Xasan Shiikh uu dabada ka riixayo ee ah 4.5 kaasoo aan u aragno midka kala geeyay umadda soomaaliyeed ayna ka faa’iideeysanayaan shaqsiyaad fara ku tiris ah oo aan wax deegaan ah ama Degmo ku lahayn carrada Soomaaliyeed hadana ku fadhiya kuraas aysan xaq u lahayn kuna adeegto Xasan Shiikh Maxamuud iyo Kooxdiisa Damu-Jadiid.
  1. Waxa ay beesha ka digaysaa in Xasan Shiikh Maxamuud uu ku caburiyo Dadka Soomaaliyeed ee doonayo in ay muujiyaan aragtidooda siyaasadeed waxna ka sheegaan Maamulkiisa aan lahayn jiho wadinayadeed iyo mid horumarineed isagoo adeegsanayo shaqsiyaad oo jufadiisa ah uu gacanta u galiyay awoodii qaran ee Ciidanka amniga si ay isaga danahiisa ugu adeegaan.
  1. Ku tagri falka awooda qaran ee Xasan Shiikh waatan hadda keentay in Dagaalo sukeeya ka qarxaan Gobolada dhaxe ee Dalka halka qaar ka mid ah Degmooyinka Shabeelaha Dhaxane ay ka taaganyahiin xaalado gadood dhanka Ciidanka Xooga Dalka. Sida degmada Mahaadaay oo tirsanayaan cadaalad darro. (waxaan ka digaynaa haddii ay sii socoto cadaalad darrada Xasan Shiikh iyo koox diimeedkiisa Damu-Jadiid kacdoono la mid ah kuwaasi oo ka dhaca Degmooyinka, Cadale, Warshiikh, Balcad iyo magaalada Muqdisho taasina ay sababto in dalku dib ugu noqdo marxaladii 1991 dii, sida hadda ka socoto magaalda Kaalkacyo oo aan aad uga xunahay).
  1. Ugu danbayntii, waxa ay beel-weyna Gal-maax Yoonis u sheegayaan hey’adaha dastuuriga ee dalka sida Baarlamaanka iyo beesha Caalamka in Md Xasan Shiikh uu ku ku fashilmay balanqaadkiisii ahaa in xilligii doorashadii 2012 ee ahaa in uu simi doono Faqiirka iyo Taajirka balse ay taasi noqotay caksi ah in Hantidii Qaranka soomaaliyeed ay si Musuq ah u gashay gacmo shaqsiyaad iyo koox diimeedka uu ka mid yahay taasina ay dhalisay soona dadajisay in uu dhumiyay kalsoonida shacabka soomaaliyeed laguna aamini Karin xiligaan wixii ka danbeeya hoggaanka umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com