Go’aanka maamulka gobolka Banaadir ee Beerta Nabadda iyo qorshaha laga leeyahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar rasmi ah oo lagu joojinayo lacagaha lagu galo Beerta Nabada oo ah goob loo damaashad tago, iyadoo la faray wixii maanta ka dambeeya in Beerta lagu galo lacag la’aan.

Amarka ka soo baxday Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere C/qaadir ayaa lagu faray Ganacsatada Beerta Nabada inay joojiyaan lacagaha laga qaado shacabka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay Beerta Nabada ay tahay hanti dadweyne, sidaas darteedna loo baahan yahay in bulshada looga dhigo beerta lacag la’aan. Waxaa la faray Maamulka Beerta Nabada inay fuliyaan awaamiirta ka soo baxday Maamulka Gobolka Banaadir.

Haddaba Go’aankaan ayaa saameyn ku yeeshay ganacsato Soomaaliyeed oo maamulkii hore ee Gobolka Banaadir u saxiixay dhulkaas isla markaasna ka qaaday lacag, sidoo kalana waxay dhismaha meeshaas ku bixiyeen Malaayiin Dollar.

Meesha hadda laga dhigay Beerta Nabadda ayaa ahaan jirtay dhul aan si fiican u dhisneyn isla markaasna ay ku baxday adduun lacageed oo aad u badan madaama ay meesha ka dhigeen meel qurxoon oo loo soo booqasho tago.

Haddii Gobolka Banaadir u daneenayo shacabka waxay aheyd in ganacsatadaas loo celiyo lacagtii meesha uga baxday isla markaasna ay noqoto meel uu dhisay Gobolka Banaadir markaasna dadka loo ogolaado inay lacag la’aan kusoo galaan.

Beerta Nabada ayaa ku taal dhabarka dambe ee Taalada SYL, gaar ahaan agagaarka Boosteejadii Ceel Gaabta, waxaa dhulkan oo ahaa mid banaanaa uu Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir uu ku wareejiyay Ganacsato, iyadoo laga hirgeliyay goobo kala duwan oo isugu jira goob carruurta ku ciyaaraan,

Go’aanka lagu  joojinayo lacagta laga qaado dadka booqanayo beerta Nabadda ayaa imaaday xilli dhawaan uu Taabid Cabdi Maxamed ugu baaqay Ganacsatada Beerta Nabada inay joojiyaan lacagaha lagu galo Beerta Nabada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII