Go’aankii Mugabe loogu magacaabay safiir sharafeed oo dib looga fiirsanayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa cusub ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo go’aankii uu ugu magacaabay madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, inuu hay’addaasi caalamiga ah u noqdo safiir sharafeed.

Magacaabistan ayuu todobaadkii tegay Dr Tedros Adhanom kaga dhawaaqay shir uu ka qeybgalayay Mugabe oo ka dhacayay dalka Uruguay.

Hasayeeshee magacaabistan ayaa horseedday cambaarayn caalami ah.

Dr Tedros ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay inuu haatan dib uga fakarayo qaabkii uu ku magacaabay Madaxweyne Mugabe, isaga oo qadarinaya waxa uu ugu yeeray qiyamka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Dr Tedros, waxa uu sheegay inuu dhawaan soo saari doono bayaan cusub oo arrintaasi la xiriirta.

Dalalka Britain iyo Mareykanka ayaa si cad u sheegay in ay ka niyad jabeen magacaabista Mugabe.

Halka mucaaradka dala Zimbabwe-na ay arrintaasi ku tilmaameen mid kaftan ah.

Balse taageerayaasha Madaxweyne Mugabe ayaa sheegay inay taasi tahay qadarin ku haboon hogaamiyahan ugu da’da weyn qaaradda Afrika, kaasi oo ay sheegeen inuu si weyn u taageero daryeelka caafimaadka ee caalamka.

Hasayeeshee, dadka naqdiya Mugabe ayaa waxa ay ugu yeeraan kaligii taliye kor ka eeganayay burburka hannaanka caafimaadka ee Zimbabwe, xilligii uu dhaqaalaha dalkaasi sii liicayay.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com