Xog: Goormee ayaa la gudbinayaa mooshinka ka dhanka ah Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin laga diyaariyey Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mooshinka oo soo jiitamaayay muddo laba asbuuc ah, ayaa waxaa saxiixay ku dhawaad 60 Xildhibaan oo eedeymo kala duwan u jeediyay Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo tirada shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 30 qof.

Mooshin wadayaasha ayaa u badan kuwo ay calaaqaad xumo kala dhexeyso Jawaari, kuwaa oo u muuqda inay ka faa’iideysanayaan awooda codkoooda.

Mooshinka oo kasoo dhamaaday dhanka Xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in la gudbiyo gudaha asbuucaani, inkastoo Xildhibaanada qaar ay wadaan tashkiilinta Xildhibaano hor leh oo ay ku badsanayaan tirada.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa inoo xaqiijiyay in qorshaha ay isla garteen Xildhibaanada uu yahay in Mooshinka la gudbiyo ka hor inta uusan Farmaajo kasoo laaban safarka uu ku aadan magaalada Abu Dabai ee dalka isutaga Imaaraadka carabta.

Qorshaha laga leeyahay gudbinta Mooshinka inta uu safarka ku maqan yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa ah si looga doodo Mooshinka maadaama uu Jawaari yahay ku-simaha Madaxweynaha dalka.

Sidoo kale, Xildhibaanadu waxa ay tilmaameen in Jawaari uu qalqal galinaayo Mooshinka, waa haddii uu kasoo dago ku-simaha Madaxweynaha, iyadoo la doonaayo in laga faa’iideysto mudada uu yahay ku-simaha.

Geesta kale, Jawaari ayaa hadda ah ku-simaha Madaxweynaha Dalka waxaana lays weydiinayaa waxa ka rumoobi kara wararka Mooshinka la xiriira maadaama ay sii kordhayaan cadadka Xildhibaanada ku dhagan Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com