Goormee ayuu furmi doonaa Kalfadhiga 2aad ee Golaha Shacabka BF

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kasoo baxday Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ee BFS ayaa waxaa lagu mudeeyay xiliga uu Golaha u furmi doono kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Guddiga oo arrintaani kulan ka yeeshay ayaa isku raacay in Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka uu furmo 8-da bisha soo socota ee July.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux, ayaa Saxaafada u sheegay in leysku raacay mudada uu furmaayo Kalfadhiga.

Waxa uu sheegay in Kalfadhiga uu si rasmi ah u furmi doono 8-da July, iyadoo Xildhibaanada ay noqon doonaan kuwo u hogaansami doona go’aanka.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mr Buux, ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqay in ay u soo diyaar garooban furitaanka Kalfadhiga labaad, isla markaana ay waqtiga ilaaliyan.

Geesta kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanada ay la imaadan isbedel dhanka shaqada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com