Goorta ay dhaceyso xafladda caleemo saarka madaxweyne Farmaajo oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya xukunkeeda la wareegi doono maalinta Khamiista ah ee soo socoto.

Haddaba Warar goor dhaw soo gaaray xafiiska caasimadda Online ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo waqtiga rasmiga ee la caleemo saari doono Farmaajo.

Xafladaan oo loo qorsheeyey inay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala imaanayo wadamada ay Soomaaliya xiriirka la leedahay ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ka dhacdo taariikhda markay tahay 22 February oo ku aadan maalin Arbaco ah .

Guddiga baratakoolka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku howlan diyaarinta xafladaas oo dhici doonto marka uu Farmaajo la wareego madaxtooyada kadib.

Waxa ugu horeeyo ee Madaxweynaha laga sugayo markuu kursiga ku fadhiisto lana caleema saaro ayaa ah inuu si deg deg ah usoo magacaabo Cidda noqoneyso Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Jagada Ra’isulwasaaranimo ayaa waxaa ka jiro loolan daran oo u dhaxeeyo beelaha Soomaaliyeed kuwaas oo doonayaan in mid kasta ay iyada hesho xilkaas.

Haddaba wixii warar ah ee kusoo kordha arrinta caleema saarka madaxweynaha waxaad dib ugala socon doontaa shabakadda Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com