Guddigii Baarlamaanka u xil saaray heshiiskii Somalia iyo Turkiga oo ku baaqay in la ansixiyo (Aqri qodobada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddi Baarlamanka Somalia u xil saaray dib u eegista heshiis Somalia iyo Turkey-ga ku dhex maray Ankara, ayaa soo jeediyay in la ansixiyo heshiiskaasi oo ah mid milatari.

Heshiiska, ayaa waxaa kala saxiixday wasaaradaha difaaca ee labada dal, intii lagu guda jiray socdaal madaxweynaha Somalia iyo wafti uu horkacayay ay ku tageen dalka Turkiga.

Qodobada Heshiiska ee la soo jeediyay in la ansixiyo ayaa waxaa ka mid ah:-

– Wadashaqeynta tababarka ciidamada,
– Tababarka saraakiisha oo loo dirayo kulliyada abaanduulka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada caafimaadka,
– Tababarka saraakiisha loo dirayo kulliyada dhanka jiheynta iyo dhulka [topography],
– Tababarka saraakiisha loo dirayo dugsiyada sare ee militariga,
– Tababarka ciidamada iyo saraakiisha heeganka ee dugsiga sare,
– Isweydaarsiga wufuuda saraakiisha militari,
– Ka qeybgalka carbisyada wadajirka ah,
– Iskaashiga dhanka tababarka Saadka ciidamada (logistics)
– Xoojinta nabadda,
– Gargaarka aadamiga,
– Ka hortagga burcad badeeda.

Xubnaha guddigaasi ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1- Jen Muuse Xasan Cabdulle (Gudoomiye)
2- Admiral Maxamed Maxamuud Xayd (xubin)
3-Jen Axmed Geedi Jimcaale  (xubin)
4- Xuseen Carab Ciise
5- Jen Bashiir Goobe
6- Col. Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush)

Haddaba xubnahaasi ayaa u sheegay Baarlamanka in heshiisku yahay mid u wanaagsan Somalia, sidaa darteedna ay ku talinayaan in baarlamanku ansixiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com