Guddiga doorashooyinka deeganka Somaliland oo go’aan soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) Waxa maanta oo Sabti ah magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland shir jaraa’id ku qabtay golaha doorashada deeganka Somaliland, kuwaasoo go’aano ka soo saaray doorashadii ka dhacday degmada Hargeysa.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay markii rabshado ay maalmahan ka dhaceen magaalada Hargeysa, waxay go’aan ku gaareen in dib loo eego natiijada doorashadii golaha deeganka ee magaalada Hargeysa.

Marka horre waxan tacsi u direynaa ehalkii iyo qarabadii ay ka dhinteen labadii qof ee ku dhintay xaafadda Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa kuwii dhaawacmayna illaah ha caafiyo ayuunu lee nahay,intaas markaan ka tago waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin fara badan oo ku saabsan meelaha qaarkood, waxanu imminka guddiga doorashadu go’aan ku gaaray maadama degmada Hargeysa go’aankeeda ay ku dhawaaqday oo ay rabshadihu bilaabmeen, in aanu hakinay go’aankii degmada Hargeysa,hadaanu nahay Kumishanka doorashada qaranka Somaliland , dib u eegisna aan ku sameen doono degmada Hargeysa” ayuu yiri Ciisa Xamari.

Guddoomiya ayaa sidoo kale sheegay in go’aankaas maanta u sheegeen ururada iyo xisbiyada ka qeyb galay doorashada marka laga reebo ururka Xaqsooor oo aan maanta meesha joogin kuwaasoo wali saluugsan natiijada doorashada magaalada Hargesa.

Si kastaba, labadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Hargeysa waxa ka dhacay rabashado ay taageerayaasha ururka Xaqsoor  uga cabanayaan natiijada doorashadii magaalada Hargeysa ka dhacday.

Inta la ogyahay 2 qof ayaa ku dhintay ku dhowaad 10 kalena way dhaawacmeen, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada Hargeysa.

Xaallada magaalada Hargeysa ayaa maanta deggan in kastoo wali laga hadal hayo rabshadii ka dhacay halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa