Guddiga Doorashooyinka Puntland oo muddo kordhin sameeyay

Garowe (Caasimada Online) War saxaafadeed ay soo saareeen guddiga doorashooyinka maamulka Puntland , wuxuu muddo saddex todobaad ku daray xilliga ay ku egtahay diiwaangelinta ururada iyo axsaabta siyaasada Puntland oo horey u ahaa 10-ka bishan December 2012-ka.

Gudoomiyaha Guddiga ku-meel-gaarka ee Doorashooyinka Dr. Maxamed Xasan Barre ayaa ku dhawaaqay arrintaas, waxana uu dabadeed soo saaray war-saxaafadeedkan:

Ujeedo:- Kordhinta Mudada Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda Puntland.

Guddiga doorashooyinka ee kmg markuu shirar wadatshi ah la yeeshay waxgaradka bulshada Puntland ee gobollada dalka.

Markuu dhagsaystay :codsiyo ka imaanaya bulshada qaybaheeda kala duwan,

Markuu u kuurgalay :dareenka dadweynaha ee ku aadan rabitaanka iyo furashada Ururada siyaasadda ee Puntland.

Markuu arkay :u heelanaanta iyo abaabulka ballaaran ee bulshadu wado si ay u furato ururro siyaasadeed,

Markuu tixgeliyey: mudada kooban ee u harsan diiwaangelinta ururada siyaaasadda ee Puntland oo ku eg 10-ka December ,2012.

Markuu arkay :wakhtiga uu u baahanyahay hanaan iyo habraaca laga doonayo ururada siyaasadda ee Puntland inay soo buuxiyaan si loo diiwaangeliyo,

Guddiga doorashooyinka ee kmg ah fadhi rasmi ah oo uu yeeshay khamiista oo taariikhda ay ahayd 6 December 2012,wuxuu go’amaiyey in la kordhiyo mudada diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland laguna daro saddex toddobaad oo ku eg 31 December,2012,guddigu wuxuu cadaynayaa kordhintan wax saamayn ah kuma yeelan doonto hanaankii iyo Roadmap-kii horay loo soo bandhigay.

Ururada is diiwaangeliyey waxaa laga doonayaa inay shuruudaha wajiga labaad ay ku soo dhamaystiraan ka hor 10 February 2013,sida ku cad hanaanka diiwaangelinta ururada siyaasadda iyo Roadmap-kaba.

Guddigu wuxuu ka cadsanayaa dadweynaha ururada siyaasadda ee Puntland inay mudadaas kor ku xusan ku soo dhamaystiraan dhmmaan shuruudaha laga doonayo si loo diiwaan geliyo.

DHAMAAD