Guddiga kiiska Qalbi Dhagax oo kala caddeeyey haddii lagu saxnaa iyo haddii kale?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddigii loo xil saaray Baaritaanka Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maanta Baarlamaanka ka hor jeediyay Natiijada Baaritaankooda, ayaa qalad ku tilmaamay in muwaadinkaasi loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.

Guddiga ayaa sheegay Shuruucda dalka u taalo inaysan meel uga qorneyn in muwaadin Somaliyed lagu wareejiyo dowlad kale, waxaana ay sheegeen inuusan jirin sharci arintaasi qeexaya oo dalka u yaallo.

Gudoomiyaha Guddigaasi Cali Xoosh oo Warbixinta  jeedinaayay, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliya ay ku qaldaneyd tallaabada ay ku dhiibtay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo Itoobiya loo gacan galiyay.

Waxa ay sheegeen in Taliska Nabad Suggida Somaliya uu maareeyay Kiiska Qalbi Dhagax, iyadoo uusan la wadaagin madaxda ugu sareysa dalka.

Guddiga ayaa si dadban u sheegay in Taliyaha NISA oo xilligaasi ahaa C/laahi Sanbaloolshe uu kaligiis maareeyay arinta Qalbi Dhagax, iyadoo uusan wada tashi xoogan kala wadaagin Xukuumadda Somaliya.

Warbixinta Guddiga ayaa waxa ay ku sheegeen kaliya inay qalad tahay dhiibista muwaadinkaasi Somaliyed, balse warbixintooda kuma aysan sheegin inay muhiim tahay in dib dalka loogu soo celiyo muwaadinka Somaliyed ee Qalbi Dhagax.

Xubnaha Golaha Shacabka Somaliyed ayaa markii ay dhageysteen Warbixintaasi kadib ku kala tagay kulankooda.

Kaalintee ayay nabad sugiddu ku lahayd dhiibista Qalbi Dhagax? (Akhriso Guddiga loo xil saaray oo waxyaabo badan soo saaray