Guddoomiyaha bangiga dhexe ee DF oo ka hadlay mushaarka shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in la bixiyay mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada dowlada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mushaaraadka lasiiyay dhammaan shaqaalaha Wasaaradaha, Hay’adah amaanka iyo Ciidamada.

Waxa uu sheegay in mushaarka loo soo dadajiyay si ay farxad ula qeybsadaan Qoysaska iyo Carruurtooda.

Guddoomiye Bashiir Ciise Cali waxa uu tilmaamay in amarka lagu bixiyay mushaaraadka uu bixiyay Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre oo booqday Bangiga.

Bashiir ayaa tilmaamay in DFS ay mas’uuliyad ka saaran tahay bixinta xaqa ay leeyihiin shaqaalaha Dowladda, si ay u dar dar geliyaan hormarka dalka.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa dhawaan booqday Xarunta Bangiga dhexe ee dalka, halkaa oo uu kusoo saxiixay warqad amar ah oo lagu bixin karo Mushaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com