Guddoomiyaha Baarlamanka cusub ee Puntland oo xilka la wareegay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday xaflad xilka uu kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Puntland Saciid Xasan Shire.

Xafladda oo ay joogeen madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa xilka lagala wareegay guddoomiyihii hore Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kaasoo looga adkaaday doorashadii dhawaan ka dhacday Garoowe..

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo ka hadlay munaasabadda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu rajeynayo in baarlamaanka cusub uu Puntland gaarsiin doono meel ka wanaagsan meesha uu hadda joogo.

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku ammaanay xildhibaannadii hore ee baarlamaanka sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen shantii sano ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa isnka munaasabadda ka sheegay inuu xiriir dhow la yeelan doono golaha wakiillada ee maamulkiisa.

Wuxuu kula dardaarmay inuu xoojiyo horumarinta adeegga baarlamaanka, isagoo u mahad-celiyay golahii hore ee baarlamaanka oo uu ku ammaanay waxqabadka shantii sano ee ay xilka hayeen.

Si kastaba, madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Jimcihii horre sheegay in seddax toddobaad uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiirrada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com