Guddoomiyaha maxkamada sare oo ka qeyliyey dhibaatooyinka heysata xarumaha garsoorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ibraahim Iidle Suleymaan, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Xarumo rasmi ah oo ay ku shaqeeyan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamada waxa uu sheegay in Xarumaha Hay’adaha Garsoorka ay yihiin kuwo dhamaantooda burbursan isla markaana aan weli dib loo dhisin.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyiintii laga sugaayay inay ku shaqeeyan howlaha Garsoorka ay yihiin kuwo aan intooda badan laheyn xarumo ay u shaqo tagaan, loona baahan yahay in si dhaqsi leh wax looga qabto.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in la dayacay dhammaan Xarumihii Hay’addaha Garsoorka dalka, isla markaana Dowladda aysan ahmiyad siin dib u dayactirka Xarumaha.

Awood la’aan jirta ayuu sheegay inay la dhisi la’ yihiin Xarumaha Hay’adda, waxa uuse dowlada Federaalka ugu baaqay in wax muuqda ay ka qabato.

Haddalka Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu shaaciyay inay waxbadan ka bedeli doonaan howlaha Garsoorka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com