Aweys Sheekh oo arrin yaab leh ku tilmaamay sababta uusan xukunka cadaalad u noqon

Muqdisho (Caasimada Online) – Aweys Sheekh oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir   ayaa sheegay inay dhibaato ku qaban sababo a xariira dhanka qabiilka iyo awood sheegasho  sababtay in go’aanada maxkamadda aanay ku dhicin si cadaalad ah .

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inay dhibaato badan ku qaban dad uu sheegay inay wataan shaar qabiil oo caqabad ku noqday xukunada kala duwn ee maxkamadda , waxana uu timaamay  in maxkamadda xukun waliba oo ay fuliso laga qaadanyo racfaan xitaa haduu cadalad yahay, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado.

Guddoomiyha oo saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Hadii aan qofka cadaalad ku xukuno waxaad arkeysaa ninkii oo racfaan loo qaadayo hadana hadii aad markale xukunto waxaa loo qaadayaa racfaan , makamadda sare ayaa warqad looga soo goynayaa ugu dambeyn waxaad arkeysaa ninkii dambiilaha ahaa oo magaalada wareegaya waxna kama qaban karti”.

Dhank kale wuxuu sheegay in dhibato ay ku qabaan rag uu sheegay inay yihiin hogmiye kooxeedy hubeysan kuwaas oo xilliyadaqaar maxkmadda gudaheeda lasoo galaya hub waxaana uu tilmaamay in booliska maxkamadda ilaliya aysan awood u laheyn inay celiyaan maadaama sid uu sheegy laga hub badan yahay , waxaana uu dowlada Soomaaliya ka dabaday inay arintaan wax ka qabato .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com