Guddoomiye degmo oo sabab yaab leh xilka looga qaaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maamulka uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, Xuseey Buulle.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Guddoomiyahaasi shaqo joojinta iyo xil ka qaadista ku muteystay caadeysiga Musuq Hanti, Musuq Raashiin iyo Dawo loogu tallo galay dadka deegaanka.

Gudoomiye ku-xigeenka Dhanka Amniga Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalle Inji, ayaa sheegaya in Xaseey Buulle, ay ku hayaan cadeymo ku aadan inuu lunsaday dhaqaale iyo Raashin gar gaar oo qorshuhu ahaa in lagu samata bixiyo dadka ku dhibaateysan Buulo Burde.

Axmed Cabdalle Inji, waxa uu sheegay in go’aankaani uu soo baxay kadib markii lasoo afmeeray baaritaan socday oo cadeymo loo helay.

Waxa uu shaaciyay in baaritaano dheeraad ah ay ku sameyn doonaan Gudoomiyaha Buulo burde Xaseey Buulle, isla markaana ay sharciga la tiigsan doonaan.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa xil Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis lagu sameynaayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka sababo la xiriira Musuq-maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com