Guddoomiye Jawaari oo digniin culus u kala diray Xildhibaanada baarlamaanka Somalia (Ujeedka)

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa digniin culus kasoo saaray Xildhibaanada baarlamaanka ee baxa safarada aan laga warqabin.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan Xildhibaankii gala safar aan loo idin qaadan.

Waxa uu Xildhibaanada uga digay inay aadaan safarada aysan ka war qabin Guddoonka uu ka tirsan yahay, waxa uuna dhaliil u jeediyay Xildhibaanada aan tixgalin Guddiyada ay ka tirsan yihiin.

Wuxuu sheegay safarada badan ee xildhibaanada in ay dhibaato ku keentay kulamada Baarlamaanka ee caadiga ah, maadaama uu sheegay mararka qaar in ay safaro ku maqan yihiin in ka badan boqol xildhibaan.

Guddoomiye Jawaari waxa uu Xildhibaanada ka dalbaday inay qaatan fasax lala ogyahay xiliyada ay doonayaan inay ka safraan dalka.

Waxa uu ku baaqay Guddoomiyaha in marka ay shaqo Dibadda ah u soo baxdo in ay maraan Guddoonka ay ka tirsan yihiin, si looga warqabo oo shaqada Baarlamaanka aysan dhibaato ku noqon.

Dhinaca kale, Guddoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada xusuusiyay shaqadooda, wuxuuna tilmaamay in ay ka turjumayaan shacabka oo ay saaran tahay masuuliyad, sidaasi awgeedna aanan loo baahneyn in ay danahooda gaarka ah fiirsadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com