Xog: Jawaari oo wajahaya laba mooshin oo miiska u saaran xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa lasoo warinayaa inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Mohamed Sheekh Osman ”Jawaari”.

Mooshinka oo saacadihii ugu danbeeyay soo ifbaxay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gudbiyeen Xildhibaano dhan Lixdan kuwaa oo Mooshinka ku biiriyay ajandaha horyaal Golaha Shacabka.

Xildhibaanadan ayaa Guddoomiyaha ku eedeeyay howl gudasho la’aan iyo inuu ku mashquulay dib u dhigyada howlaha horyaal baarlamaanka Somalia, isagoo doonaaya inuu fashiliyo kiisas dhowr ah oo horyaal baarlamaanka.

Waxaa Jawaari sidoo kale lagu heystaa tirada Shaqaalaha xarunta Golaha Shacabka oo iyagu gaaraya 380 qof oo mushaari ah, dadka shaqeeyana ay yihiin wax ka yar 40 qof.

Maalmihii tagay kulamada Golaha Shacabka ayaa u baaqday muran ka jira Xildhibaanada gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mooshinka ka diyaariyay.

Xildhibaano kale oo ka tirsan isla baarlamaanka ayaa la sheegay inay wadaan Mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo aan weli la dhameystirin is diiwaan galintiisa.

Mooshinka diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gadaal ka riixaya qaar ka mid ah Guddoomiyaashii hore ee Guddiyada Joogtada ah oo intooda badan na siib u yeelan in ay xilalkoodii ku soo laabtaan.

Mooshinka labaad ee diiwaan galintiisu socto ayaa salka ku haya ku tagri fal awoodeed oo lagu heysto Guddoomiye Jawaari, waxana lagu wadaa in la horkeeni doono Golaha Shacabka.

Wax ay sidoo kale Jawaari ku eedeeyen in Safarada dibadda ay u raacan shaqsiyaad ku dhaw dhaw Xafiiskiisa oo kaliya, halka dadka kale laga reebo liisaska Safarada.

Geesta kale, waxaan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Mooshinada laga wado Guddoomiye Jawaari, kaa oo u muuqda inay gadaal ka riixayaan mas’uuliyiin dhowr ah oo kusoo fashilmay Siyaasada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com