Taabid iyo maamullada degmooyinka oo ka wada hadlay ammaanka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa la kulmay qaar ka mid ah maamullada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaana uu kulankan u dhexeeyay guddoomiye Taabid, guddoomiyeyaasha iyo saraakiisha ammaanka ee degmooyinka Kaaraan, Deyniile, Kaxda iyo Hiliwaa.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa aad looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Faarax Cabdi Maxamed oo ah guddoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Deyniile ayaa Idaacadda Shabelle uga warbixiyay muhiimadda kulankaasi.

Waxaana uu sheegay in la’isku raacay in la hubiyo gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo amniga guud ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sabtidii ayey ahayd, markii qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 300 oo ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com