Gudniinka Fircooniga ah iyo Galmada

Gudniinka gabdhaha oo dadyowga Somaliyeed ku dhaqmaan loona yaqaan Gudniinka Fircooniga ah (Female Genital Mutilation) waa qalliin halis ah oo curyaamiya xubnaha taranka ee haweenka iyada oo la minguuriyo ama la gooyo qayb weyn oo ka mid ah xubinta taranka taas oo aan la suuxin xilliga qalliinka lehna xanuun daran oo ka fog raxmadda. Gudniinkanu waxa uu keenaa dhiig-bax weyn marka gabadha la gudayo iyo marka la guursadaba, ragguna waxay dhibaato weyn kala kulmaan maalmaha arooska.

Gudniinka Fircooniga ah waxa uu tirtiraa dhammaan wasladda hammad kordhinta ee haweenka ee ku daboolan xubinta tarankeeda iyo xataa dhinacyada xubintaba. Ma jirto meel ay Shareecada Islaamka kaga soo aroortay gudniinka darran ee lagu sameeyo gabdhaha. Shareecada Islaamku waxay oggoshay in gabdhaha lagu sameeyo gudniin fudud kaas oo ah in caarada kore laga jaro wasladda hammad kordhinta ee xubinta taranka haweenka iyada oo aan laga daadin dhiig, loo geysan dhaawac xun hareeraha xubinta taranka isla markaana aan saamayn xun ku yeelan caafimaadka nolosheeda iyo raaxada galmadeeda marka gabadha la guursato. Gudniinka noocan ah ee fudud waxba uma dhimo abuuritaanka hammadda gabadha.

Galmadu waa shay dabiici ah oo qofka Eebbe ku abuuro inta uu noolyahay waana raaxo muhiim ah oo naftu iyo jidhku u baahanyihiin inay helaan [Spiritual pleasure and physical gratification]. Xilliga hordhaca galmada [Sexual foreplay] haweenka wakhti ka dheer ka ragga ayaa ay ku qaataan kicinta hammadooda waxaana arrintaas sii murgiya oo sii dheereeya Gudniinka Fircooniga ah sababta oo ah waxaa ka go’an wasladda dedejisa kicinta hammadda galmada.Goynta wasladda hammad kordhinta ee gabadha waxay la midtahay goynta qaybta hore ee xubinta taranka ragga. Xubin ka mid jidhka qofka oo Eebbe (S.W.T) u abuuro raxaada nafta iyo jidhka ee sayga iyo oorida xilliga galmada ma banaana in la gooyo sababta oo ah waxa ay ka horimanaysaa abuuritaanka Eebbe.

Shareecada Islaamku aad ayay u difaacdaa xuquuqda raaxada galmada ee haweenka waxa ayna qabtaa in ragga iyo haweenku ka simanyihiin xuquuqda galmada oo dhinac kastaba xaq u leeyahay inuu helo. Ujeedada guurka waxa weeye in lammaanuhu kala helaan raaxo, ubad, iyo inay ka horjoogsato dembiga macsida ah ama sinada. Waxay kale oo raaxada galmadu u suurtogelisaa lammaanaha inay ku noolaadaan xasilooni, jacayl, kalgacal, iyo naxariis. Eebbe (S.W.T) isaga oo tilmaamaya wanaagga iyo qiimaha guurku leeyahay ayaa waxa uu Suuradda Arruum, aayadda 21aad ku leeyahay, “Oo waxaa ka mid ah Aayadihiisa inuu nafihiinna idiin abuuray ooriyo si aad ugu xasishaan, waxaanu ka yeelay dhexdiinna [Ragga iyo haweenka] kalgacal iyo naxariis. Waxaa runti arrintaas ugu sugan calaamooyin [Caddaymaha jiritaanka Eebbe] qoomka fekera.” Haddii ooridu ka dhawacantahay xagga galmada oo aanay ka helin raaxadii ay xaqa u lahayd ee Gudniinka Fircooniga ah ka duudsiyay waxaa hubaal ah inuu dhaawacanyahay isna kalgacalka ama jacaylka ay u hayso saygeeda oo runtii aad u sarrayn lahaa haddii aan hammadda laga dhaawicin.

Waxaa la soo weriyay in samankii Nebi Muxammed noolaa (N.N.K.H) ay haweeney Madina ku gudijirtay gabdhaha dabadeedna uu Rasuulku Ku yidhi, “Si daran ha u goyn waayo sidaasu waxay u fiicantahay gabadha waxayna u sii wanaagsantahay sayga [Guursandoona].” [Sunan Abu Daawuud]. Waxaan muran ku jirin in gudniinka fircooniga ah uu dhibaato caafimaad iyo dhibaato raaxaba u leeyahay gabadha isla markaana ninkeedu aanu jeclayn. Haddii aanu gudniinka fircooniga ah lahayn qiimo diimeed ama caafimaad waxaa markaas dadyowga Soomaalida laga rabaa inay ka fogaadaan caadadan xanuunka badan lagana qaado caafimaad xumada. Gudniinka Fircooniga ah waxa ay gabadhu kala kulantaa laba dhibaato oo naxdin leh kuwaas oo kala dhibaato wakhti gaaban oo haleesha gabadha maalmaha la gudo sida: Dhaawac, cabsi, xanuun daran, dhiig-bax, kaadi horjoogsi, yax-yax, niyad-jab, argagax iwm, iyo dhibaato haleesha wakhti dheer oo la socota nolosha gabadha sida: Hammadda oo dhaawacanta, caadada oo dhibaato ku noqota, fool raagta oo ilmuhu waayo meel ku filan oo uu soo maro, ku qalid ilmo, dhiig-bax weyn dhalmada kadib, wakhti saa’id ah oo ay ku jirto cusbitaalka marka ay dhasho iwm.

Dadka aaminsan Gudniinka Fircooniga ah waxa ay ku doodaan in gudniinkan noocan uu ilaasho bikranimada gabadha si aanay u haweysan ninba ilaa inta la guursado. Su’aashu waxay tahay: Haddii gabadha laga dilo hammadda Eebbe (S.W.T) u abuuray, sidee ayaa ay ugu hawoonaysaa nin Mustaqbalka? Maxayse ku falaysaa guurka haddii raaxadiisa laga dhaawaco? Guurka tiirarkiisa ama faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in gabadhu galmada ka hesho raaxo sida ninka iyo carruur. Xishoodka gabadha waa wax Eebbe ku talaalo oo ay ku ilaashato bikranimadeeda ee maaha wax gudniinku u ilaasho. Gudniinka Fircooniga ah waa dhaqan aad u xun oo oorida ka duudsiya raaxada galmada isla markaana saygu dareensanyahay in aanay isugu raaxaysan sida Eebbe u abuuray.

Dadyowga Somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxaa la gudboon inay joogteeyaan ololaha lagu tirtirayo dhaqankan foosha xun ee Gudniinka Fircooniga ee ku salaysan cadowtinimada iyo raaxo dilidda si loo badbaadiyo xidhiidhka raaxada, farxadda, iyo wanaagga qoyska oo muddo dheer dhaawacnaa. Dhaqankan foosha xun waxaa isticmaala dalal badan waxaase uu ugu daran yahay dadyowga Somaliyeed, Suudaan, iyo Naajeriya.

Qore: Ibrahim Hassan Gagale

Ibrahim_hg@yahoo.cim

Taariikh: December 24, 2012.

 Ogeysiis

Maqaalkanu waa qodob ka mid Buug aan dhawaan soo saaridoono {In Shaa Allaah} oo ka hadlaya guurka, qoyska, iyo galmada. Waxaan dhawaan soo saarayaa buugga oo Af-Somali ku qoran, dabadeedna waxaan xagaagga soo saarayaa isaga oo ku qoran Afka Ingiriisiga. Buugtan waxaa loogu talagalay dhammaan dadyowga Somaliyeed meelkasta oo ay joogaanba. Buugga ku qoran Luqada Ingiriisiga waxaa loogu talagalay dhallinyarada dadyowga Somaliyeed ee u soo haajirtay Reer Galbeedka si ay u ilaashadaan dhaqankooda iyo Diintooda.