Gudoomiyaha maxkamada sare oo ku dhawaaqay qorshe cusub oo uu damacsan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaanahaani shacabka Soomaaliyeed ay dhaliilo ka muujinayaan shuruucda dalka, ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

Guddoomiyaha oo weriyayaasha kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay dareemayaan tabashooyin dhanka shuruucda dalka ah oo kaga imaanaya Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in uu bilaabi doono Barnaamijyo taxano ah oo shacabka Soomaaliyed loogu ifinaayo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Barnaamijadaasi ay noqon doonaan kuwo taxane ah, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed loogu ifin doono Sharciyada dalka iyo waxyaabaha lidka ku ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka waxa uu cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed aysan fahansaneyn sharciyada dalka, sidaa aawgeed ay siin doonaan wakhtiyo ay ku fahansiinayaan.

Waxa uu sheegay in isbuuciiba laba jeer ay bulshada usoo bandhigi doonaan si loo fahansiiyo shuruucda iyo qawaaniinta dalka.

Ujeedka barnaamijka ayuu ku sheegay mid lagu dardar galinaayo Bulshada iyo dhamaan Hay’adaha dowladda si ay u hogaansami lahayeen shuruucda dalka.

Waxa uu intaa ku daray Guddoomiyaha in shuruucyada ay kamid noqon doonto in qofka muwaadinka ah inta uu ogalyahay in xoriyadiisa laga qaadi karo mudada uu sharciga qabo.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa ku baaqay in bulshada ay u hogaansamaan sharciyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com