Sawirro: Marwada madaxweynaha oo guri shan milyan dollar ku baxay ka dhisatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada madaxweynaha Soomaaliya, Sahro Cumar Xasan ayaa lacagtii ugu badneyd gelisay dhismaha guri dabaq ah oo ka kooban shan biyaano oo qeybta ugu hooseyso loo adeegsanayo carwooyin lagu iibin doono alaabaha kala duwan.

Dhismahaan oo ku yaal agagaarka Three Biyaano ayaa waxaa la sheegay in dhaqaalaha ku baxay dhismahiisa iyo iibinta dhulkaba ay kor u dhaafeyso Shan milyan oo dollarka Mareykanka ah, maadaama loo dhisay qaab casri ah, kuna yaal faras magaalaha.

Sahro Cumar Xasan oo ah xaaska weyn ayaa ah qof dhaqdhaqaaq badan oo mashaariic kala duwan ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr shirkadood ay ku lug leedahay, oo mashaariic kala duwan ka wada magaalada Muqdisho.

Waxaa la xasuustaa ka hor inta uusan Xasan Sheekh xilka madaxweynenimo qaban in Sahro Cumar Xasan ay ka mid aheyd ganacsatada yaryar ee shidaalka ku iibin jiray wadooyinka Muqdisho, haddana waxay lambarka koowaad kaga jirtaa haweenka ugu lacagta badan magaalada Muqdisho.

Xaaska kale ee Madaxweyne Xasan, Qamar Cali Cumar ayaa marka la barbar dhigo Marwo Sahro isku saameyn aheyn, waxayna Sahro 60% ka dhaqdhaqaaq badan tahay Qamar inkastoo iyada nafteeda magaalada Muqdisho ka dhisatay dhowr guri oo faras magaalaha ku yaal iyo ganacsiyo kale oo ay ku jirto.

 Â