Guriga musharax C/raxmaan Cirro oo weerar lagu qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsantahay doorashada Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxaa xalay la weeraray hoyga uu magaalada Hargeysa ka deganyahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

Gudoomiyaha kumeel-gaarka ee xisbiga waddani Cabdilqaadir Ismmaaciil jirde ayaa BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay xalay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro.

Cabdilqaadir ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dhallinyaradaasi ay ku tuhmayaan inay soo abaabuleen cidda tartanka doorashada uu kala dhexeeyo, wuxuuna intaa ku daray in dhalinyaradaasi ay dhagax ku dhaawaceen askari ka mid ah ilaalada guriga.

Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, haatan na ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.

Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan ayaa sidoo kale sheegay in isla xalay ay qabteen dhallinyaro weerartay xafiis xisbiga kulmiye uu ku leeyahay xaafadda sheekh Madar ee magaalada Hargeysa .

Guud ahaan magaalooyinka jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday ololaha siyaasada ee xisbiyada ku loolamayo doorashada lagu wado inay Somalialnd ka dhacdo 13-ka bisha Novembar.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
Caasimada@live.com