Gurigii uu yaraantiisii ku soo koray Donald Trump oo la kireynayo

New York (Caasimada Online) – Gurigii uu ku soo koray Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ee magaallada New York ayaa kiro ahaan loo soo dhigay suuqa.

Shirkadda ‘Airbnb’ ayaa shaaca ka qaadday in gurigan uu 1946-kii dhisay Donald Trump Aabihiis Fred, isla markaana ay ku noolaayeen xaaskiisa Marry Trum iyo carruurtooda oo uu ku jiray Donald J Trump.

Wax badan lagama beddelin gurigan Trump uu ku soo barbaaray, kushiinku waa sidiisii asalka ahayd, waxaana uu ka kooban yahay 5 qol, isagoo ku yaalla 85-15 Wareham Place, iyadoo shirkaddan kireyneysana ay sheegtay in bishii lagu kireynayo 13,296 dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com