Gurmadkii samatabixinta iyo baadi goobka dadkii musiibada ku dhacday oo lasoo afjaray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in lasoo gabagabeeyey howlgalkii lagu samatabixinayey dadkii ku waxyeeloobay qaraxii naxariis darada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Saraakiisha ku Howlan Gurmadka lagu samata-bixinayo Baadigoobka Dadkii lagu Xasuuqay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho  Raq iyo Ruux intaba ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen Howshii socotay Xoogeeda.

Arrintaan ayaa waxaa Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyey sarakiil ka tirsan  kuwa ka qeybgalayo howlgalkaas oo sheegay in 99% lasoo Afjaray Baaritaankii ay wateen.

Baaritaanka oo galay Maalintii Afraad ayaa maanta illaa Shalay waxaa ka qeyb qaadanayay Eeyo si ay Dadka ku Howlan baaritaanka ay uga caawiyaan Baaritaankooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo Goobta ku hadlay ayaa sheegay in Gurmadka lagu Samatabixinayo dadkii lagu Xasuuqay Zoobe uu weli socon doono islamarkaana loo baahan yahay in la labo jibaaro.

Gudoomiyaha ayaa maanta Isgoyska Zoobe ee Muqdisho ka howlgeliyey dhallinyaro mutadawiciin ah oo  howlo nadiifin ah halkaas ka wado, maadaama uu jiro burbur weyn oo ku dhacay dhismayaashii halkaas ku yaalay oo ay ku jiraan Hotel Safari iyo Xaruntii Bisha Cas ee Zoobe.