Guusha Jawaari oo daaqadda ka tuurtay rajadii Shariif Xasan iyo ballan-furkii dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loo doortay afhayeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday Golaha Shacabka.

Baarlamaanka federaalka ah waxaa joogey ilaa 259 Xildhibaan, codadka dhammaan waa la dhiibtey, 2 cod oo hallaabey marka laga reebo inta kale waxaa loo codeeyay sidii loogu talagalay. Jawaari ayaa helay 141 cod oo u suurtogeliyay inuu noqdo guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya.

Guusha Jawaari ayaa waxa ay ka dhigan tahay in rajadii uu Shariif Xasan Sheekh Aadan ka qabay inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya oo iminka uu u sharxan yahay, ay meesha ka baxday.

Nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya ayaa si aan rasmi ahayn u dhigaya in saddexda beel ee kala ah Digil iyo Mirifle, Hawiye iyo Daarood ay kala qaataan saddexda jago ee ugu sarreysa dalka, waxaana hadda beesha Digil iyo Mirifle ay heshay jagada afhayeenka baarlamanka.

Waxaa tani macanaheedu yahay in beelaha Hawiye iyo Daarood ay iminka ku laalolami doonaan xilka madaxweynaha, ayada oo uu sidaas daaqadda uga baxay Shariifka, waxaana beeshii labadooda laga adkaado ay heli doontaaa ra’iisul wasaare.

Shariif Xasan ayaa dadaal dheeri u galay inaan la dooran Jawaari, wuxuuna taageero xooggan siinayey xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo beesha Daarood ka dhashay, si Daarood ay u qaataan jagada afhayeenka baarlamanka, markaas kadibna Digil iyo Mirfle ay u helaan madaxweyne ama ra’iisul wasaare. Siyaasaddii Shariif waa fashilantay.

Markii Jawaari uu xildhibaanka noqonayey waxay isaga iyo Shariif Xasan ay galeen ballan ah inuusan is sharxin si uu ugu ogolaado xildhibaanimo maadaama Shariifka uu maamulayey doorashadii lagu soo doortay Jawaari, hase yeeshee Jawaari ayaa ballanta ka baxay toddobaadkii tagay markii uu is-sharxay.

Waxaa la rumeysan yahay in Jawaari uu qaatay go’aanka uu isku sharxay markii uu dareemay in musharaxiin loolan adag gelin kara aysan meesha ka muuqan, taasi oo maanta caddaatay.

Lama yaqaan tallaabada xigta ee iminka Shariifka uu qaadi doona, waxaase loo badinayaa inuu taageeri doono musharaxnimada Cumar Cabdirashiid oo markii hore ay aad isugu dhowaayeen.

Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in Shariif Xasan oo ah nin aan qaadan in lagu ballan-furo uu si ay ahaataba raadin doono qaab uu uga aarguto Jawaari.
Waa siyaasad jahwareersan balse aan aragno halka ay ku dambeyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com