Hab maamuus qaran oo la filaayo in loo sameeyo aaska C/raxmaan Jaamac Barre

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in dowladda ay wado qorshe lagu soo duulinaayo meydka C/raxmaan Jaamac Barre si la mid ah aaskii qaran ee loo sameeyay Maxamed Cali Samatar.

C/raxmaan Jaamac Barre “Buluqbuluq” oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii Kacaanka ee Jaalle Siyaad, sida wasiirkii arrimaha dibadda, maaliyada iyo ra’iisul wasaare kuxigeen ayaa ku geeriyooday habeen hore magaalada San Diago ee gobolka California.

Madaxda ugu sareyso oo madaxweynaha ugu horeeyo ayaa arrintaan kala hadlay qoyska C/raxmaan Jaamac barre sidii dalka loogu soo duulin lahaa isla markaana aas qaran iyo hab maamuus sare loogu sameyn lahaa gudaha dalka.