Heshiisiinta Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo warar cusub ay kusoo kordheen

Marko (Caasimada Online)- Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu hishiisiiyo dhinacyada ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hishiis la gaaray.

Mid kamid ah waxgaradka gobolka Shabeelaha Hoose kana soo jeeda beelaha dagaalamay mid kamid ah ayaa sheegay in hishiis hor dhac ah lagu kala gaaray magaakada Marko ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Diyeeshi Cumar Warsame, oo kamid ah waxgaradka mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Marko ayaa sheegay in hishiisyada ay kala saxiixdeen labada dhinac ee ku dagaalamay gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in isaga uu goob ka ahaa kulankaasi ka dhacay degmada Marko ayna ku faraxsanaayeen labada dhinac ee hishiiska ku kala gaaray magaalada Marko.

Qodobada hordhaca ah ee lagu hishiiyay ayaa waxaa kamid ah in xabada la joojiyo iyo in dadkii ku barakacay dagaalada dib loogu soo celiyo magaalooyinkii ay ka carareen.

Mr Warsame ayaa sheegay in arintaasi ay hordhac u tahay dadaalada la doonayo in lagu dhameeyo dhamaan waxyaabaha dhaliyay dagaalada ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee u dhaxeeyay maleeshiyaad kala matalayay Habar-gidir iyo Biimaal.

Caasimada Online

Xafiiska Marko-Cadeey

Caasimada@live.com