Hadaad adeegsato Internet Explorer 7 waxaad bixineysaa canshuur!

Suuqa dhinaca Online-ka ah ee ku yaalla dalka Australia Kogan.com, ayaa soo saaray canshuurtii ugu horeysay adduunka ee la saarayo browser-ka Microsoft ee Internet Explorer 7 (IE7).

Dadka soo booqda webka ayaga oo isticmaalaya IE7 si ay wax uga iibsadaan waa inay baxshaan lacag dheri ah.

IE7Madaxa shirkaddaas Ruslan Kogan ayaa BBC World Service u sheegay in sidaas ay u sameynayaan si ay uga soo kabtaan waqtiga uga baxaya in website-kooda uu si wanaagsan ugu soo muuqdo browser-kaas da’da ah.

Lacagta canshuurta ah ayaa u dhaxeysa 6.8% illaa 0.1, bil kasta, tan iyo markii la billaabay IE7.

Bil kasta lacaghta canshuurta waxaa ku darsami doona o.1%.

Mr. Kogan ayaa sheegay in inkasta oo kaliya 3% macaamiishiisa ay adeegsadaan Internet Explorer 7, haddana in kooxdiisa dhinaca taknoolajiyadda ay qabtaan shaqo ah in webka shirkadda ay ka dhigaan mid si fiican ugu soo bixi kara browser-ka, ayna doonayaan in lacagtaas ay dib usoo kabtaan.

Waxa uu sheegay in waqtiga uga baxa in webkooda ay ka dhigaan mid si wanaagsan ugu soo muuqda IE7 uu la mid yahay kan uga baxa Safari, Chrome iyo Firefox oo la isku daray.