Hadal farxad gelin kara Saxafiyiinta iyo dadka ka damqada oo la jeediyay

Saraakiisha ugu saraysa hayada Dambi baariska dalka ayaa ku dhawaaqay inay sameynayaan dadka ka dambeeya dilalka loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed,waxaana hayada dambi baarista ay sheegtay inay wadaan baaritaan ku aadan dilkii ugu dambeeyay ee Cabdi Xareed Cismaan.

Cabdulaahi Xasan Bariise ,taliyaha hayada dambi baarista islamarkaana ah afhayenka ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in qorshe cusub oo ay ku baarayaan dadka ka dambeeya dilalka wariyaasha ay wadaan.

Wuxuu cadeeyay inay ku raadjoogaandadkii ka dambeeyay dilkii ugu dambeeyay ee lolo geystay wariye Cabdi Xareed oo ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.

Col Bariise ,ayaa sheegay in iminka aan laga hordhici karin  halka ay marayaan natiijada baaritaano lagu wado dad gacan ku dhiiglayaal ah oo ay ku hayaan hayada dambi baarista dhexdheeda,sida uu hadalka udhigay.

Arintaan ayaa imaanaysa iyadoo masuuliyiinta dowlada ay ka hadleen dilalka loo geysanayo wariyaasha Soomaaliyeed iyadoo ay ugu dambeysay markii bishaan 18 kedi Muqdisho lagu dilay wariye Cabdixareed Cismaan.